Wasaraadd Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland ayaa munaasibad Casho Sharafeed ah ku sabootiday Naciima Cilmi oo ka mid ahayd la –taliyaasha sare Wasaarada .

0
318

Hargeisa (.Ceelgardinews.com.)  Madasha maamuska iyo sabootinta loo samayeye Naciima Cilmi oo lagu qabtay laalays Hotel ee magaalada hargeisa wax ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Ali shir Wasiirka ku xigeenka,Ahmed Adan Ismaciil (Ahmed Keyse) Safiirka China Abdi Ismacil (Mingista) Safiirka Yamen Abdi.Agaasime Waaxeedada Wasaarada Shaqaalaha Weynaha Wasaraadda Marti sharaf kale .

Ugu Horay waxa madasha hadal sabtootin ah yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Wuxu ka waramay kaalinta ay ugu jirtay Naciimi Cilmi Wasaaradda iyo wada shaqeyntii fiicnayd ee dhexmartay mudadii u joogay Wasaaradda Wasiirku Isla markan ay habeen iyo maalin ay shaqada ay qaranka u haysay dacad u ahayd, inay shaqad ka nasto ay iyad ka timid ayuu Sheegay Wasiirka Sacad.

Wasiirka Arrimaha Dibedd Somaliland Dr.Sacad Ali Shire wuxu tilmaamay inay Wasaarada ku maamusto Casho sharafta lagu sabootiyo la-taliye sare Naciima Cilmi wuxuu sharaxay karti badani iyo aqoonta ay u lehayda shaqada ay wasaarada u haysay.

Gabagabadii marku ay cashadu dhamaatay waxa shahado sharaf ay wasaraadu ku maamustay gudoonsiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland la-taliye Sare ,Naciima Cilmi

Hargaysa Office

Info@ceelgardinews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here