Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Awal Bari Oo Burco Qabtey Kulan Balaadhan Oo Lagu Tageerayo Shirka Baxarosaafka Ee Beesha Gobolka Saaxil

0
304

-Burco(Ceelgardinews.com) Iyada oo ay magaalada Burco ku sugan xubno katirsan Gudidii qabanqaabada shirweynaha Beelaha Ciise Muuse ee kaqabsoomi doona Baxarasaafka oo katirsan Degmada Laasgeel ayaa waxa Maanta Hutel Cigaal ee magaalada Burco isugu yimi Salaadin,cuqaal,Waxgarad, aqoonyahan iyo dhalinyarada Awbari ee kudhaqan magaalada Birco ee Xarunta Gobolka Togdheer ,

shirka burco

Waxaana kulankaas taageero mug iyo miisaanle loogu muujiyay shirka Beelaha Ciise Muuse ee daga Gobolada Saaxil, Togdheer Iyo Maroodijeex, kulankaas oo ay

ilyartu isqabatay ayaa waxa soo qaban qaabiyay Guud ahaan Beel weynta Ciise Muuse ama awal bari ee kudhaqan Gobolka Togdheer iyo naxaawigiisa sidoo kale waxa kulankaas shirka ah isku dayay inay carqiuladeeyaan Suldaan Cismaan Tuulo oo kamida Guulwadayaasha Xukumada u adeega iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur waxaana gaashaan udaruuray inay shirkaas caqiladeeyaan Guud ahaan bulshada shirkaas taageerada ah soo qaban qaabisay oo kala hortagay dagaal iyo qeylo una diiday inay shirkooda soo faragaliyaan

sidoo kale waxa xusid mudan in xogahayah dawlada hoose soo kaxaystay ciidan boolis ah oo uu doonaayay inuu shirka ku carqiladeeyo waxase arinkaas ka gaashantay oo udiiday inay shirkaas soo galaan macaa askartooda Odayaashii, salaadiintii, Cuqaashii iyo dhalinyaradii shirkaasi hawshiisa waday.