Profesor Axmed Ismacil Samatar ayaa shalay Dalka soo gaadhay Mar uu u waramayay Star Tv wuxuu sheegay inuu joogayo mudo gaaban

0
320

Fiicnaan Lahaydaa Saadaasha oo rumoowda

Hargasya (Ceelgardinews.com) Profesor Axmed Ismacil Samatar ayaa shalay Dalka soo gaadhay
Mar uu u waramayay Star Tv wuxuu sheegay inuu joogayo mudo gaaban oo laba todobaad ah wuxuuna ka dhawaajiyay inuu mudadaasi gaaban kaga Go’aan gaadhi doono Mustaqbalkiisa siyaasadeed sidoo kalena uu si toos ah ugu biiri doono mid ka mid ah sadexda Xisbi Qaran

Saadaashu waxay u badantahay Axmed ismacil samatar inuuna wax Xil Musharaxnimo
aan ahay qaadanayn .Xisbiyada Wadani iyo kulmiye kolay horaa loogu kala calaf qaaday
inkastoo wadani aanu si rasmi ah ugu dhawaaqin hadana tiro rag ah ayaa si rasmi ah ugu calaamadsan
Xisbiga ucid oo in mudo ah Khilaaf soo jiitamay ka dhextaagnaa
ayaa sababay inuu is casilo Ku Xigeenkii Jamaal Fursada xisbiga ucid ka banaan ilaa hada ayaa ah chanceka ugu wanaagsan ee horyaala Axmed Ismaacil Samatar..

13339694_1071825292887846_8489460843473979946_n13321984_1071825326221176_8245796315564897270_n

waxaase is waydiin leh Hadii uu xisbiga ucid ku biiro
Axmed ismaacil Samatar ma qaadan doonaa xil m/ ku xigeen
suaasha kale ee is waydiinta lihi iyana waa Aqoon yahan Jamaal Cali Xusein ma u tanaasuli karaa Profesorka oo ma qaadan doonaa xilka madaxwayne ku xigeenimo ee xisbiga ucid

Haday suuro Gasho inay Midoobaan kii Doonaa
xilka sare ha qaatee waa guul wayn oo u soo hoyatay
Taagerayaasha xisbiga ucid ,Shacabka somaliland,Dhalinyarada iyo Inta Horumarka jecel waana Marag Ma doon inay ku Guulaysanayaan Xilka Madaxtinimo ee 2017

Ilaahay Balankii Waa Rag Isku soo Baxaya

Axmed Ismacil Samatar iyo Jamaal Cali Xusein
waa laba Aqoonyahan dunida inbadan ka soo shaqeeyay
waa niman shahaadoyin sar sare haysta waa dadka dalka hormuudka u ah
Waa Raga Aqoontooda iyo Khibradoodaba La Soo Daliisho
Si Xeerka Somaliland loo waafajiyo in xilka Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisu ay ka soo kala jeedaan laba beelood oo somaliland Ama Beesha Dhexe iyo Beel ka mid ah Beelaha Darafyada
waa Laba Nin oo Isku Noqon Kara Madaxwayne Iyo Ku Xigeen
Waa Laba Nin oo shacabka Ka heli kara Codad aan la malaysan karin
Waa Laba Nin oo Shacabka Somaliland Kalsooni iyo Rajo Ka Qabaan Inay Dalkan Siyaasadiisa Madhalayska ah Wax ka Badali karaan
Waa Laba Nin oon hore saaxada siyaasada somaliland ka soo muuqan Waxtarkoodana La Sugay waqtigooda
Waa Niman Musuqa Qabyaalada iyo Nin Jeclaysiga si aada uga soo horjeeda Ka Siman
Waa Hubaal in Qofkasta oo somaliland jecel Horumarkeeda,Aqoonsigeeda, inuu dooranayo
Labadan Mas’uul

Allow Rajada Dadka iyo Dalkaba noo Rumee
Guul iyo Gobanimo
Profesor Axmed Ismaacil Samatar
Aqoon-yahan Jamaal Cali Xusein

Wabilaahi Tawfiiq
Mohamed Abdirahman