QABYAALADA QAAWAN EE AY MAAMULKA SHIRKADA SAGAL JET KU TAAGEERO XISBIGA KULMIYE. W/Q C/Raxmaan Mawliid Guuleed

0
317
Sidiisaba ganacsigu wuxuu ku  qurux iyo qiimaba baddan yahay markuu xor yahay ee uu ummada si siman ugu adeegaayo, wuxuu midho dhal yeeshaa marka lagga xoreeyo mawjadaha siyaasadeed ee reernimada ku salaysan, wuxuu tanaadaa oo kobcaa marka si isku mid ah bulshada loogu adeego oo aan la kala jeclaysan, wuxuu sumcad iyo sharaf yeeshaa marka uu cadaalad iyo sinaan ku caano maalo oo aanu noqon maqaaxi cid gaar ah loogu  adeego.
hhhhhh
Shirkada daabacaada ee SAGAL JET waxay ahaan jirtay xarun ganacsi oo dadka  oo dhan u adeegta, waa shirkad ku caan ahayd adeeg hufan oo dhamaan bulshada si isku mid ah ugu adeegta, waa lagu soo hiran jiray oo waxay muraayad iyo marin fiicanba u ahayd shirkada dhigeeda ah  ee ay  ganacsiga wada wadaan, Hadda’se waxay cagta saartay dhabihii hoos u dhaca iyo suuq ka bixida waayo waxa majaha u haya oo maamulkeeda iyo maaraynteedaba gacanta ku haya Maamul  Qabyaalad iyo Qaraabo kiil ku caan baxay oo dadka iyo macaamiishaba ku soo kala dhawaysta reer Hebelnimo iyo kanaa habeen I xiga.
Maamulka Sagal Jet waa Cabdi Yuusuf Aare wuxuu habeen iyo maalinba u xusul duuban yahay u ololaynta iyo iibgaynta Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, xarunta Sagal waxay hada tahay xafiis ka mida xafiisyada lagu jaan gooyo siyaasada Kulmiye, mabda iyo himilo midna kumuu raacin ee Qabyaalad qaawan iyo waa Adeerkay ayuu inta kale kaga xigtaystay habeen iyo maalinba wuxuu ku foogan yahay hirgalinta hogaamineed ee Adeerkii Muuse, waqti iyo waayaba waa galiyey ololahaa xigtiisan ka ku salaysan ee aan cilmi iyo camal midna raacin, intaas waxa kaaga sii daran wuu culaadsataa cid kasta oo adeerkii aan taageerin ama wax ka sheegta.
Cabdi Yuusuf Aar waa maamulaha guud ee Sagal Jet waa nin dhalinyaro ah oo tabac nololeed sugaayo waa nin reer Hargeisa oo loo tiring jiray mid ka mid  ah Hormuudada dhalinta nasiib daro’se wuxuu garaad iyo garashaba noqday musharaxnimada Adeerkii Muuse uma haysto inoo masuul ka yahay xarun ganacsi oo dadkoo dhami ka adeeganayaan balse wuxuu kala saari waayey ganacsigii iyo taageeridii oo xataa wuxuu gaadhay heer uu uga dhex ololeeyo Adeerkii Muuse bandhigyada loogu daahfuraayo buugaagta ay SAGAL JET daabacdo oo waxa la ogaa sidii qaawanayd ee hiilka qabiil ka muuqday ee uu habeenkii la soo bandhigaayey Buugi DUCO-QABE ee Marxuum Cigaal lagga qoray dadka hortooda Bogol bug ugu qaaday Xisbiga Kulmiye isagoo ku xumaynaaya Xisbiga WADDANI oo habeenkaas goobta kala sinaa ka maqnaansha Kulmiye Cabdi wuu is hayn kari waayey oo wuxuu hal mar ku dhawaaqay inuu Muuse Biixi soo garaacay una wakiishay qaadida Buugaagtaas, Muuse ma wuxuu garan waayey xubin Xisbiga Kulmiye ah u dir xafladaas oo haka qayb galo isagoo xisbiga matalaaya hana soo qaado buugaagtaas!!!!! Dee mayee Cabdi Yuusuf Aar ayaa ah u adeege Adeerkii oo la jeclaaday buugaagtaas isagoo ku xumaynaaya mid kale oo uu Cabdi habeen ka xigtaysanaayo.
Ayaan daro ka wayni ma jirto ta  maanta shirkada daabacaada ee SAGAL JET haysata waayo waxay shirkada Somaliland oo  dhan dhexda u ahayd isu badashay mid u adeegta dano Qoys iyo Xisbi kaliya, haddii ay sidaas ku sii socotana hubaal weeye inay albaabada laalaab doonto oo suurogal maaha inay reer hebelnimo isku bixiso, waxaan ku talin lahaa in guracaa galay shirkada lagga saaro oo qof ka caafimaad qaba cudurka qabyaalada maamul looga dhigo oo lagu  soo celiyo haygalkii iyo hanaankii lagu yiqiin Ganacsiga xorta ah.
Cabdi Yuusuf Aarna waxaan kula talin lahaa inuu labba mid uun qaato waa ta koobaade inuu adeeg xor ah oo aan hebel u afduubnayn ummada la wadaago oo sida shirkada qayrkiis ah adeeg madaxbanaan oo aan afduubnayn bixiyo magiciisa iyo sumcadiisana dhawro bari ka maalin meel aan Hargeisa ahayn iyo hogaan aan  Muuse ahayn ayuu la kulmi doonaaye iyo ta labaad  oo ah inuu u banbaxo siyaasada oo uu faraha ka qaado maamulka shirkad la wada leeyahay si aanuu magaca iyo mansabka shirkadaa ugu ciyaarin.
Qore: C/Raxmaan Mawliid Guuleed
Email: Sharmarke2345@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here