Qasri ay Malaayiin Dollar Kubaxday oo ay Marwada Madaxwayne Siilaanyo Hargaysa Ka Qotomisay Wakhti Dalka ay kajirto Xaalad Macaluul ah oo Gaajo Loodhimanayo

0
263
Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) waxa   Loosoo Dusiyay  Xog  kusaabsan  Qasri   Malaayiin Dollar ku kacay oo ay Marwada  Somaliland  ahna Xaaska Madaxwayne Siilaanyo  kadhisatay Magaalada hargaysay  Dhismahan oo ah Hotel   Hurdo ah iyo Mukhaaxi Laga Cunteeyo  laga Wada Furayaa ayaa  Waxa  uu Kuyaal Meel  aan  ka   Fogayn Xaruntii hore  Wommen Club- oo ahayd Dugsi  Haweenka Somaliland  lagu Tababaro  kaas oo  Sannadkii hore   ay  Qabsaday  Marwa Aamina Waris,  wakhtigaas  dadban ayay  Shaki  kaga jiray sababtay Goobta wax barasho  Marwadu Uboobayso.
Qasrigan Noocyada Badan   ah  waxa  Kamida Dhimayaal  Dukaamaysi  iyo Goobo Haweenka Lagu Carbiyo ama Jidh-Dhis ah (Fitness For woman) Waxyaaba kale ee Layaab ka leh ee Qasrigan Lagu Arkay ayaa Waxa Kamida in Shaqaala Joogaa Yihiin Hindi iyo Pakistan,
Dhismaha waxa Marwada uqaabilsanaa Dhiskiisa Maayirka Hargaysa Mr Solteco, oo ah masuul ay Mawarada iyo Wasiirada Maaliyada dahoose kadhexeeyaan Dhismahan oo ay Dhistay Shirkada Dhismayaasha ee Daryeel waxa ku Baxay Lacag Kabadan 1,8 Milyan isada ay Tilmaamayaan Xogaha ay Warbaahinta Somalilandlive Media Heshay.
Wakhigan ayay Bulshada Somaliland kujirtaa Xaalada Macuul ay Qaramada Midoobay Kusheegtay Taas oo Sababtay in 3dii Qof ee Somaliland kunool Mid kamida ah ayaa Gaajo iyo Haraad udhimanaya, wakhtiga Nooc ah ayay Marwada Dalkuna Qasiriyo Dhisanaysaa iyo Goobo Lagu Damaashaado.
xigasho : Somalilandlive.com