Raxmaadkii Gu’ga oo ka curtay Gobolka Awdal Iyo Roob Hadda Ku Hooray Magaalada Boorama Iyo Degaanada Ku Xeeran

0
285
Boorama ( Ceelgardinews.com ) Wararka hadda naga soo gaadhay magaalada Boorama ayaa sheegaya in uu raxmaadii eebbe ee gu’a uu ka curtay gobolka Awdal iyo deegaanadiisa kala duwan qaarkood, iyadoo hadda uu roob lagu diirsaday ku da’ay gudaha magaalada Boorama iyo deegaano kale.
Dhanka kalena roobkan ayaa onkodkiisa iyo hilaaciisa uu ahaa mid aan kala go’lahayn, isla markaana caruuraha iyo shacabka boorama ayuu ku riday hurdo la’aan, balse ma jirto wax khasaare ah oo uu sababay, iyadoo uu ahaa mid lagu diirsaday.
Roobkan ayaa imanay xili ay abaar xumi ka jirtay deegaanada kala duwan ee somaliland,taasi oo galaafatay nolasha dad iyo duunyo, isla markaana keenta barakac iyo in ay dadku caydhoobaan.