QODDOB UU CIGAAL KAGA ADKAADAY MUCAARIDKIISA OO BIIXINA ADEEGSADAY,

0
370

 

QODDOB UU CIGAAL KAGA ADKAADAY MUCAARIDKIISA OO BIIXINA ADEEGSADAY,
——————————————————————-

Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993 ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaaladda dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey in aanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaaladda amaan-darro ah.

Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhintii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Sidoo kale horraantii sannadkii 1997 ayaa markii labaad shir-beeleedkii Hargaysa loogu doortay madaxweyne. Mucaaradkii wakhtigaasi ku kacsanaa madaxweyne Cigaal wixii ka dambeeyey shir-beeleedkii 1997 waxa ay qorshaynayeen inay raacaan qaababkii Cigaal labadii shir ee hore uu kaga adkaaday oo aanu mar saddexaad kaga adkaan.

Mucaaradkii oo isku duba-ritay casharradii ay ka barteen labadii shir-beeleed kaartooyinkii siyaasadeed ee uu adeegsaday, ayuu Cigaal ku furay ururro siyaasadeed oo wakhtigaasi cusbaa 2002-dii. Waxaanu ku dhawaaqay ururkii ugu horreeyey ee xukuumi ahaa UDUB. Mucaaradkii shir-beeleedka ku mashquulsanaa ayaa ay taladii ka baahday. Haddii ay naftu ku simi lahayd Cigaal inuu noolaado, doorashadii madaxtinimo ee uu Riyaale ku guulaystay 2003, shaki la’aan Cigaal wuu guulaysan lahaa
Sidaasi oo kale madaxweyneyaasha Siillaanyo iyo Muuse wuxuu mid kastaa kursiga ku fuulay is-bahaysiga JEEGAANTA, waxaana u suurtagashay inuu mid kastaa madaxweyne ku noqdo cudud cod-bixiyeyaal ah iyo dhaqaale aan xad-lahayn oo ay ka helayaan deegaannada JEEGAANTA.

Kaarkaasi oo si fiican u shaqeeyey laba xil madaxweyne ayey haatan mucaaradku doonayaan inay adeegsadaan isla JEEGAANTII, si ay iyana markooda kursiga ugu fuulaan. Hasayeeshee madaxweyne Muuse ayaa kaartadii Cigaal oo kale u adeegsaday mucaaradkiisii, waxaanu wakhtigan furay ururradii siyaasadda. Waana arrinta haatan taagaan ee joog iyo jiifba u diiday mucaaradkii iyo furistii ururrada oo heshay taageero xooggan oo aan markii hore la fileyn. Ilaa hadda mucaaradku way ku jahawareersan yihiin dhinaca ay arrintan uga bixi lahaayeen.

Waxa Qoray Cali Cabdi Coomay(Cali Coomay)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here