QODDOBADA KASOO BAXAY SHIRKII DAWLADDA FEDERAALKA SOMALIA IYO MAAMUL GOBOLEEDYADA

0
339

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Shir lagaga hadlayay sidii Somalia doorasho uga dhici lahayd iyo qaabka ay ku imanayaan Baarlaamka, ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho. kadib laba maamlmood oo shirkaasi u socday masuuliyiinta dawlada Federaalka iyo saraakiisha Maamul goboleedyada.

Munaasabada lagu soo xidhay shirkaas laguna shaacinayay war murtiyeedka ka soo baxay ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Madaxda maamul goboleedyada, wasiiro iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Waxaa la isku raacay qaabka ay udhaceyso doorashada bisha September ee soo socota, iyadoo madaxda ay saxiixeen qodobada ay isku raaceen ee ku qoran war murtiyeedka

Afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa munaasabada ka akhriyay war murtiyeedka laga soo saaray shirka madasha wada tashiga Somalia.

warmurtiyeedqodobadashirkasomalia

Qodobada muhiimka ee ku jira war murtiyeedka ayaa ah in labo Guddi la magacaabayo oo ku saabsan doorashooyinka, kuwaasoo kala ah Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Qaran iyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Labada Guddi ayaa ka koobnaan doona min 17 iyo 11 xubnood, Guddiga hirgelinta doorashada heer qaran ayaa ka koobnaan doona 17 xubnood, kaasoo shan xubnood ay dowladda Federaalka soo magacaabi doonto, halka maamul goboleedyada ay ka imaan doonaan min labo xubnood.

Guddiga heer dowlad goboleed ayaa waxaa uu ka koobnaanaya 11 xubnood, 8 ka mid ah ayaa ka imanayaa Maamul goboleedyada, halka saddex xubnood ay ka imaanayaan dowladda Federaalka.

Magaalada Garowe ayaa la go’aamiyay in bisha May lagu qabto shirka arrimaha dastuurka, waxaana shirkaas ka horeyn doona shir ay yeelanayaan Madaxda Madasha wada tashiga qaran.