Saraal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Sheegay In Ay Ku Talo Jiraan Sidii Distoorka Wax Looga Bedeli Lahaa , Meeshana Looga Saari Lahaa Golaha Guurtida

0
354

USA ( Ceelgardinews.com ):- Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah saraakiisha sare ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa sheegay inuu ku han weyn yahay sidii distoorka Somaliland isbeddel loogu samayn lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa golaha Guurtida ee xilligan jira oo ah hay’ad distoori ah.

No automatic alt text available.

 Professor-ka oo ka hadlay munaasibad ay hoggaanka xisbiga ee carriga Maraykanku u qabteen taageerayaal cusub oo kusoo biiray, ayaa sheegay inaanay Somaliland wax baahi ah u qabin xubnaha guurtida oo xilligan si weyn ugu tiirsan tahay, isla markaana gaadha go’aamo taariikhi ah oo inta badan dhinaca siyaasadda u badan

 

“Anigu waxyaabaha aan soo kordhinayo waxa kamid ah in Somaliland Distoorkeeda dib loo furo marka ay doorashadu ina dhaafto, waayo Somaliland uma baahna guurti 82-qof ah”ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu canaan u jeediyey golaha guurtida, waxana uu si cad u sheegay inay noqdeen goob qoloba qolo kale ka dhaxasho oo mushaharooyin uun lagu qaato, waxana uu yidhi

“Guurtidu waxa ay noqotay meel mushaharo dawladeed oo bilaash ah lagu qaato oo la iska dhaxlo, taasna Somaliland ma qaadi karto.”

Professorka ayaa ku jira guddida gacanta ku haysa Barnaamij-siyaasadeedka uu xisbiga KULMIYE doonayo inuu dalka ku maamulo haddii uu talada mar labaad ku guulyasto, waxase aan weli la hubin inuu qoddobkaas kusoo daray iyo in kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here