SHIRKADDA SALIIDA KEENTA EE AFLAX COMPANY OO TABABAR U QABATAY MACAAMIISHEEDA SALIIDA KA IIBSATA

0
332

Hargaysa (Ceelgarinews.com) Munaasibadan balaadhan oo ay wada-jir u qabteen Shirkadda soo dajisa Saliida Baabuurta ee Aflax Company iyo Shirkada ENOC oo ay wada shaqeeyaan ayaa caawa fiidkii lagu qabtay Hotel Damal ee Caasimada Hargeysa. Munaasibadan ayaa ujeedadeedu ahayd tababar la sanad leh tobabar kaas oo la siinayay Macaamiisha shirkada ee isticmaala  Saliida ENOC . Waxana Munaasibadan ka soo qayb galay Agaasimaha rugta ganacsiga S/land Maxamed Shurgri,  Maamulka sare ee Shirkadda Aflax Company oo uu hor kacayay Guddoomiyaha Shirkadaasi Xaamud Jaamac Maxamed, Saraakiil sar sare oo ka socotay Shirkadda ENOC oo fadhigeedu yahay Dalka Imaaraadka Carabta, qaar ka mid ah Macaamiisha Ganacsatada ah ee iyagu isticmaala Saliida  ay shirkadaasi soo daj

 

Ugu horayn Guddoomiyaha Shirkadaasi Xaamud Jaamac Maxamed ayaa si wayn ugu mahadnaqay Masuuliyiinta ka socotay Shirkada ENOC socdaal dheer u soo maray inay kulankan ka qayb galaan. Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxu sharaxaad ka bixiyey ujeedada ay kulankaasi u qabteen, waxaanu yidhi “ kulankeenani waa kii seddexaad ee Sannadlaha lahaa, waanu inoo socon doonaa haddii Alle yidhaa. Waxa jiray tababaro hore oo shirkada innock ina siisay iyadoo waqtigu adag yahay oo baasaaboorku adag yahay hadana ay ina siisay oo qaarkood imika inala fadhiyaan.”

Guddoomiyuhu, isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa raaciyey “ ciddii baasaaboor haysata imikadan wuu soo soconayaa oo waxa jira Engineero shirkada ka tirsan oo naloo soo tababari doono insha Allaah”

sidoo kale, waxa isaguna madasha hadal ka jeediyey Agaasimaha rugta ganacsiga Somaliland Maxmaed Shugri, isagoo Shirkada Aflax Company ee saliida soo dajisa ku ammaanay doorka muhimka ah ee ay ka qaataan Horumarka Dalka Somaliland “ Masuuliyiinta Shirkadda Afllax Company, waxay ka mid ahaayeen raggii ugu macquulsanaa ee markiiba keenay dalabkaanu u gudbinay ee taakulaynta abaaraha dalka ka jira. Waxaanu ku ammaanaynaa dedaalkay sammeeyeen iyo dadkay shaqaalaysiiyeen” waxa kale oo isaguna Xafladan ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland Siciid Axmed Jibriil “ tababarkan aanu iskugu nimid waxa ugu muhiimsan oo aanu ka faa’idaysanaynaa waxay tahay isticmaalka Saliidaasi ENOC. Taasii sidii loogu talo galay haddaad u isticmaashaana aad ku guulaysanaysaan oo gaadiidkeena iyo mashiinadeenuna ay ka faa’idayaan”

waxa kale oo iyaguna siyaabo kala duwan ugu hadlay tababarkan Sargaal sar sare oo ka socday Company-ga ENOC, waxaanu Dalka Somaliland ku ammaanay kaalintay kaga jirto Suuq-gaynta Saliida ay soo saaraan. Ugu dambaynta Macalimiin ka socday Shirkada ENOC injineer Rajash iyo Injineer Ranjin  ayaa halkaasi ku soo bandhigay tafaasiil dheeraada oo ku saabsan shirkada ENOC, sida qaybaha shirkada, noocyada Saliidahay sammeeyaan iyo wadamaday u iib-geeyaan.

saliida

Shirkada Aflax ENOC ayaa macaamiisheeda usamaysa adeegyo kala duwan ,iyada tobabaro caalamiya ugu dirta dalka dibadiisa kaas oo ay aqoon korodhsi baaxadleh kula soo noqda dalka