Sida ay ku waramayso wakaalada Wararka Reuters Maxkamadda Sare ee dalka Ingiriiska ayaa diidday oggolaansho loo codsaday dacwad sharci oo lagu diidan yahay heshiiska ay

0
108
Sida ay ku waramayso wakaalada Wararka Reuters Maxkamadda Sare ee dalka Ingiriiska ayaa diidday oggolaansho loo codsaday dacwad sharci oo lagu diidan yahay heshiiska ay Britain la gashay Mauritius ee ku saabsan wareejinta madaxbannaanida jasiiradaha Chagos, halkaas oo ay ku yaallo saldhigga milatari ee hawada ee Diego Garcia oo ay wada isticmaalaan Maraykanka iyo Britain.
Saddex dacwoode oo ay ka mid tahay Bertrice Pompe, oo ah muwaadin British ah kuna dhalatay jasiiradda Diego Garcia, isla markaana bishii May ee sannadkii hore ku guuldarreysatay isku day ay ku joojinaysay heshiiska, ayaa mar kale dacwad gudbisay kadib markii Britain ay ogolaatay sanadkii hore inay madaxbannaanida jasiiradaha Badweynta Hindiya ku wareejiso Mauritius.
Heshiiskaasi wuxuu dhigaya in Britain ay sii haysan doonto gacan ku haynta saldhigga milatari ee istaraatiijiga ah ee Diego Garcia muddo 99 sano ah oo kiraysi ah, taas oo u oggolaanaysa Maraykanka inuu sii wato hawlgalladiisa milatari ee halkaas ka socda.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa bishii hore sheegay in heshiiskaasi uu yahay “qalad weyn”, isaga oo sidoo kale si taban u barbar dhigay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, hoggaamiyihii Britain ee dagaalkii labaad ee adduunka Winston Churchill, arrimo la xidhiidha taageerada xaddidan ee uu Starmer siiyay weerarradii Maraykanka ku qaaday Iran, kuwaas oo qaarkood laga fuliyay saldhigga Diego Garcia.
Hore Trump wuxuu u sheegay in uu fahamsan yahay in heshiiskaasi uu yahay kan ugu wanaagsan ee uu Starmer heli karo.
Dhankiisa, Keir Starmer ayaa difaacay go’aankiisa, isaga oo sheegay in go’aamadiisu ku salaysan yihiin sharciga iyo danaha qaranka.
Qareennada matalaya Pompe iyo laba qof oo kale Misley Mandarin iyo aabbihii Michel Mandarin, kuwaas oo doonaya inay degaan ka sameystaan mid ka mid ah jasiiradaha ayaa ku dooday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain si sharci-darro ah uga gaabisay inay la tashato dadka asal ahaan ka soo jeeda Chagos.
Garsoore Mary Stacey, oo go’aankeeda ku qortay qoraal, ayaa qiratay in ay jirto “taariikh dheer oo ceeb leh” oo ku saabsan sida loola dhaqmay dadkii deganaa jasiiradaha Chagos intii u dhaxaysay 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii, xilligaas oo si qasab ah looga raray si loo dhiso saldhigyada milatari.
Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in dacwaddani ay dhab ahaantii dib u soo celinayso dooddo hore ay maxkamadaha Ingiriisku u diideen dacwado badan oo la xidhiidha jasiiradahan tobannaan sano ee la soo dhaafay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi warbaahintu u dirtay oo ku saabsan faallo.
Qareennada matalaya saddexda dacwoode ayaa sheegay inay doonayaan inay racfaan ka qaataan go’aanka Maxkamadda Rafcaanka.
Bertrice Pompe ayaa bayaan ay soo saartay ku tidhi:
“Sidee ayay dowladdu habeenkii u seexataa?”