Sheybaadhka Qaranka ayaa ka geybgalay Tartanka Hubinta Kartida Sheybaadhada Bariga Africa, kaas oo si sanndle ah loo qabto, isla markaana ay sheybaadhada Bariga Africa

0
78
Sheybaadhka Qaranka ayaa ka geybgalay Tartanka Hubinta Kartida Sheybaadhada Bariga Africa, kaas oo si sanndle ah loo qabto, isla markaana ay sheybaadhada Bariga Africa iyo si guudba waddamo kale oo Afrikada kale ka tirsani uga soo qeybgalaan.
Hubinta kartida sheybaadhadu (Laboratory Proficiency Testing) waa nidaam uu waajibinayo heertayeedka calamiga ah ee ISO IEC17025:2017, Kaas oo ay soo qabanqaabiyaan sheybaadho xirfad sare u leh, shahaado sarena ka haysta diyaarinta muunadda tartanka.
Tartankan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu qiimeeyo, sheybaadhada qudhooduna isku qiimeeyaan kartidooda, si ay u helaan u helaan shahaadada aqoonsiga “Accreditation”, isla markaana kor ugu qaadaan kalsoonida bulshadooda iyo dunida kale ee ay la macaamilayaanba ay ku qabi karto hufnaantooda iyo hubinta saxsanaantooda “Laboratory competency and testing Scope”
Haddaba Sheybaadhka Qaranka waxa uu ka qeybgalay sidi caadada ahayd tartankan hubinta ah oo doorkan ay soo qabanqaabiyeen dalalka kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, iyo Botswana. Sheybaadhka Qaranka Somaliland ayaa keenay natiijada sheybaadhada laga rabo middii ugu sarreysay (Satisfactory).
Sheybaadhka Qaranku waxa uu lafdhabar u yahay dhawridda tayada ivo hubinta saxsanaanta agab iyo anfaaci kasta oo dalkeenna soo gelaya, si loo ilaaliyo bedqabka caafimaad ee bushadeenna reer Somaliland.