Sida ay qorayso wakaaladda wararka ee Reutors, ee laga leeyahay dalka Maraykanka, China ayaa la soo baxay ceelashii kaydka ee shiidaalka

0
272

Sida ay qorayso wakaaladda wararka ee Reutors, ee laga leeyahay dalka Maraykanka, China ayaa la soo baxay ceelashii kaydka ee shiidaalka (Diesel and Gasoline) si uu Ujabiyo shiidalkan kacay wiigii ugu danbeeyay ee sida wayn looga dareemay caalamka iyo guud ahaan dunida oo dhan.
China waxa uu balan qaaday in uu soo saari doono saliid ku filan caalamka.
Dhanka kale wadamada dhoofiya Shiidaalka ee loo yaqaano OPEC (Organizations patroleum Exporting Companies ) iyo Ruushka ayaa kulmaya si ay uga xaajoodaan kor ukaca saliida Adduunka, waxaana shirku dhacayaa 4 Nov, 2021, waxana lagu lafagurayaa sidii loo kordhin lahaa muga saliida ah ee awal la soo saari Jiray laguna daro in maalintii la soo saaro 400,000 foosto si loo daboolo baahida suuqa ka jirta, waxayna ay ku wadaan in foostadii shiidaalka ah laga dhiga $80 qiimaheeda dunada.
Halka maanta Somalilland uu ka marayo calaa foosto $I40 (One Hundred Forty USD only)
Intaa waxa dheer ciraaq oo iyaduna dhankeed ku raacday opec wax soo saarka saliida in aanay ka kordhinin inta opec iyo Ruushku ku heshiiyeen in ay soo saaraan.
Maraykanka oo isna isku haysta baarqabka addunka xaga ganacsiga iyo Saliida Aduunka ayaa isna doonaya in uu kordhiyo waxsoorka saliida isagoo ugu baaqay wadamadda la dhaho G20 ee soo saara energiga ama saliida in ay daboolaan baahida saliideed ee ka Jirta dunida iyaguna dhankooda.
W.Q. Mukhtar Mohamed Ibrahim
MDS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here