Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Sharaxay Erayga Jeegan Xisbiga Kulmiye Ku Ololeeyo Iyo Sidii Uu Magacaasi Ku yimi

0
315

Waa Maxay Jeegaan.. ? Maxayse Ku Dhisantahay Mida XISBIGA KULMIYE ?… Maxaad Ka Ogtahay Tariikhda Jeegaan? Maxay Dhib iyo Dheeb SOMALILAND U Horseeday?..

Afeef: In badan oo ay soo noqnoqotay erayga Jeegaan, dadbadana isoo waydiiyeen, qaar badana aanu ka doodnay qormadan ayaan ku qayaxayaa. Dabcan waxan ka cudur daaranaya magacyada Beelaha kujira, maha Qabyaalad waa qormo taariikheed marka khasab ayay noqonaysaa in Beelaha la xuso sidaa ula socda ..

Horta Ergayga Jeegaan: SOMALILAND markii ugu horeysay waxa laga maqlay sannadihii xornimadoonkii Ingiriiska wakhtigaas oo Axsaabtii waagaa jirtay Xisbi kamid ah oo la odhan jiray Xisbigii NUF, ay ku midoobeen Degaano ka soo jeeda Galbeedka SOMALILAND iyo Gobolada Bariga..

Xagga Galbeedka muu ahayn dadkii ku jiray NUF degaan gooniya, hadaan tusaale u soo qaato Degaanka Gabilay waxa XISBIGA kaga jiray Beesha Rer Dalal, Xagga Hargaysa waxa ku jiray Beesha Rer Axmed Nuux( ee Nuux Ismaciil) Iyo Beesha Rer Guuleed Suldaan ee (Rer Guuleed Ciidagale) Xagga Saaxil waxa ku jiray Beesha Rer Wacays.. Barigana waxa u badnaa Beelaha Habarjeclo, in kasta oo Xisbigii SNL uu tageero weyn isba kulaha degaanada Beesha Habarjeclo.. Xagga Gobolka Sool waxa kaga jiray Beesha Bahar-same oo uu Gaaraad Cali hoggaaminaayay.

NUF waxa la aas-aasay sannadkii 1954-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Axmed Xasan Ibraahim. Xogahaye guudna waxa ka ahaa Maykal Maryamo. Xisbigan aas-aaskiisu wuxuu ka dhashay markii dhukla Hawd iyo Researve Area ingiriisku ku wareejiyay dalka Itoobiya. Ka dib la diray wefti ka socda Somaliland oo la kulma dawlada ingiriiska gaar ahaan Baarlamaanka.

Halka Xisbiga SNL la aas-aasay sannadkii 1956-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Xaaji Cumar Askar, halka xoghayaha guudna ka ahaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal Xubnihii horoodka ka ahaa waxay ahaayeen: Maxamed Cali Faarax, Ibraahin Cali Ducaale, Shaqalle, Cumar Hadraawi, Duqsi, Cali Maygaag Samatar. Xisbigani wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay Somaliland. Xisbigani wuxuu markii dambe noqday kii ku guulaystay xubnihii ugu badnaa ee Baarlamaanka Somaliland sannadkii 1960-kii.

Horta Jeegaan erayga markaas ayaa inoogu horeysay. Macnuhuna ma ahayn laba Ardaa ama laba Qabiil.. Wuxuu aha Bari iyo Galbeed degaano ku kala yaala..

Maqalka dadka waxa ugu xigtay erayga Jeegaan sannadkii 1984-kii oo Axmed Siilaanyo loo doortay Guddoomiyaha ururkii SNM. Waxayna tariikhdu dhigaysa in ergadii shirkaas lagu doortay ololuhu aha ama codayntii u dhacday is xulufaysi.. Maxaa ka danbeeyay ??

Lama mahadin oo Mudaddii Axmed Siilaanyo Guddoomiyaha aha isagoo marxalado badan ka soo saaray ururkii SNM hadana caqabada ugu weyn iyo Mucaaridnimo tii u darnayd wuxuu kala kulmay Jeegaanta, oo uu hoggaaminaayay Muj: Muuse Biixi. Iyadoo Laysla gaadhay inuu Muuse Biixi jidgooyo u galo Guddoomiyihii SNM Axmed Siilaanyo, taas oo keentay xadhigii Muuse Biixi iyo Ragg uu ku jiro .. Taariikh dheer ayay ahayd idinku daalin maayo aakhirkii waata keentay in Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur) iyo Xasan Ciise Jaamac lagu doorto Baligubadle ..

Markale ayaa Erayga Jeegaan ummadda SOMALILAND ma-qashay dhawaaqiisa isagoo lamid ah siidii uu Lixda meeyadii ku baxay..

Madaxweynaha hadda Axmed Siilanyo oo aha aasaasihii Xisbiga KULMIYE ayaa si farshaxanimo ah wuxuu u dhigay sidii uu ururkii KULMIYE wakhtigaas urur ayuu aha cod ku heli laha, waxa saxada ku jiray ASAD oo ay isku degaan ka soo jeedeen iyo UDUB oo Xisbi Ballaadhan ahayd.. Haddaba Axmed Siilaanyo wuxuu tageeradooda Jeegaan ahaan u abaabulay degaanada Beesha Habarjeclo, Beesha Arab iyo Sacad Muuse .. Ciise Muuse marka xoogiisu UDUB ayuu aha. Degaanada Beesha Habarjeclo way kala jabeen doorashadii December 2002- dhacday. 6 urur ayaa ku tartamaayay, Habarjeclo waxay u qaybsantay KULMIYE, ASAD iyo UDUB..

Sacad Muuse NA wuu Kala jabay oo wuxuu u qaybsamay HORMUUD oo Cumar Care hoggaaminaayay, UDUB oo ku xooganayd iyo KULMIYE.

Beesha Baligubadle ee Arab may qaybsamin 90% waxay u codeeyeen KULMIYE .. Waana Beesha kaliya ee jeegantii Axmed Siilaanyo abaabulay wacadka oofisay..

Markii Doorashadii Madaxtooyada loo dareeray 14 April 2003.. Markale Beesha Habarjeclo way qaybsantay xoogeedi KULMIYE ayuu noqday, in badan oo 25% ahi waxay raacday UDUB oo ay xoojiyeen Colkii ASAD oo Saleebaan Gaal hor ka caayay..

Beesha Sacad Muuse doorashadii 2003 ee Madaxweynaha si kala badh ah 50%50 ayay codkii ugu qaybiyeen KULMIYE iyo UDUB, meesha uu khasaaraha ugu weyni KULMIYE ka soo gaadhayna waa Degmada Hargaysa oo Marka laga reebo Koonfurta oo UCID ahayd iyo Bariga oo UDUB aha waxa lala qaybsaday 26-June .. Waana sababtii ay isugu dhawaadeen codadkii UDUB iyo KULMIYE oo 80-cod oo kaliya kursigii Madaxweyne ku kala helay ..

U fiirso: Markale Beesha Baligubadle ama degaanada Beesha Arab doorashadii 2003 ee Madaxweyne si xamaasad leh ayay 95% waxay ugu codeeyeen KULMIYE sidaana waxay ku noqdeen Beesha kaliya ee Jeegaantii iyadu ka dhabaysay..

Markale doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 26-June 2010.

Degaanada Beesha Habarjeclo 95% waxay u codeeyeen KULMIYE, degaanada Sacad Muuse 90% waxay u codeeyeen KULMIYE, degaanada Beesha Arab 95% waxay u codeeyeen KULMIYE ..

Sidoo kale degaanada SOMALILAND ee aanu Xisbigu hore codka buuran uga heli jirin ayuu codad laxaad leh ka helay waayo dabayl isbadal doon ayay dadku u oomanaayeen. Sidaa ayuu KULMIYE Xisbi xaakim ku noqday ..

Maxa dhacay Dawldnimadii KULMIYE ?

Horta khaladkii u waynaa KULMIYE wuxuu ka galay kadiriintii Xisbiga la soo halgamay degaan kasta oo ay yihiin. Khaladka labaad wuxuu ka galay Degaanadii Dalka SOMALILAND oo dhan oo ay khasab ahayd u caddaalad samayn toodu mid u codeeyay iyo mid ka codeeyayba.

Khaladka saddexaad wuxuu ka galay Degaanadii Jeegaanta.. Waayo Beesha Sacad Muuse waxay heshay in laba jeer iyo saddex ku Laban laab maysa Wixii ay heleen Beelaha Arab iyo Habarjeclo ..

Isla Beesha Sacad Muuse ayaa khalad laga sii galay oo aan wax loogu qaybin si siman, degaanka Hargaysa ayaa qaatay intii ugu badnayd ee xil Madaxweyne magacaabo. Tusaale Beesha Rer Axmed Nuux oo kaliya ayaa 11 xil oo Digreeto Madaxweyne ah lagu magacaabay.

Halka Beelaha Jibriil Abokor iyo Siciid Ismaciil luf luf loo tuuray.. Marka xitaa Sacad Muuse waxba looma qaybin .

Maxaa ku dhacay Beesha Arab.??

Horta Jeegaantii waa laga saaray, codkaas aan ka soo sheekeeyayna inay bixiyeen waa laga masaxay, shaqo abuur iyo u si naantii nidaamka Dawliga ahna Halka ugu hooseysa ayay ka galeen. Xisbigii KULMIYE ee ay aasaaseen iskadaa tallo laga waydiiyo iskama soo sharaxaysan ayaa la gaadhsiiyay. Waxay taasi dhashay inay intoodi badnayd mid Xukuumadda u shaqeeya mooyiye ay kaba xanaaqaan magaca KULMIYE.

Maxa ku dhacay Beeshi Habarjeclo ..

Magacii xilka iyo eediisu way fuushay, Waxaase ka raacay eedayn midii ugu xanuunka kululayd. Kii si allaba u qadeeya Madaxtooyda ayaa ku qadhiidhay halbeeg ah ayaa lagu tilmaansaday, waxay taasi keentay inay is kuusaan oo cabudhaan. Marka laga reebo 4 iyo 3 shakhsi oo magaca Beesha ka soo jeeda oo kujira nimaadka Xukuumadda iyaguna I haano naftooda isugu filan oo isa soo ma qiiqa nafahoodana u nool mooyane intii badnayd yaab ayay ku maqantahay.

Dhinaca kale Mucaaridadii ugu adkayd waxay kala kulmeen Jeegaantoodi. 5 tii sannoba looma kala miidhin..

Maxa ku dhacay SOMALILAND tii kale ..

Waxay ku Dhego barjoobeen Jeegaanta isu abaal sheeganaysa, oo hadana is maagoodu aanu xad lahayn, waxa taas ku lumay in ummaddii kale la xasuusto, waxa u sii dheer Galbeedka iyo Boorame Madaxwyne Ku-xigeenkii oo isna xilkiisi ama u hadalkii ku soo koobay degaanka Beeshiisa ama Jifada Maxamed Case ..

Mucaaridadii wax sixi lahayd ee macno yeelan lahayd ee Barnaamijyo xigmad leh keeni lahayd waxay ku dhex asqowday Jiibta Jeegaanta dawakhsan ee ilaa Wasiiradii Saxaaafadda marinayaan..

Taas baa keentay inay Mucaaridada Xisbiga WADDANI dhaliishan loo jeediyo hadyo jeer ay yeelato, waayo tartankii saxada Dimuquraadiyadda SOMALILAND waxa xumeeyay cidii lala tartami laha oo reero ku koobtay . Haddii WADDANI hadlo waxaad maqashaan Somalia ayuu tagaya iyo Habarjdclo ayuu u jeeda iyo Sacad Muuse ma jecla , marka aamuska ayuu malaa doorbiday si aanay Degaanadu isugu dhicin . Xisbigii kale ee UCID ma jiro oo qol yar oo la kiraysto ayuu noqday ..

Wataas faa’iidadii laga dhaxlay jeegantu? Haddii aynu 10-sanno oo danbe sii wadayno iyo haddii aynu si kale uga wareegayno Rer SOMALILAND ayay u taala..

Waxa qoray Muniir Axmed Cigaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here