Somalia Oo Kenya Ku Eedaysay Dagaal Xalay Baladxaawo Ka dhacay

0
307
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Beledxaawa.
-Dagaalka wuxuu markii hore ka socday laba aag oo kala ah gudaha Magaalada iyo buurta, wuxuuna hadda ka socdaa gudaha magaalada, gaar ahaan xarunta Hormuud
-Waxaa la sheegay inay ku dhinteen shan caruur ah oo hal qoys ah iyo taliyaha saldhiga degmada Beledxaawa
-Waxaa la isu adeegsaday hub culus, waxaana dagaalka dhanka Jubaland la sheegay inay hogaaminayaan Cabdirashid janan iyo Korneyl Cabaas
-Jubaland waxay sheeganeysaa inay la wareegtay Magaalada halka Dowladda Federalkana ay sheegeyso inay iska caabisay
-Dowladda Federalka waxay sheegtay in “maleeeshiyaad ay Kenya soo hubeysay ay Magaalada soo weerareen”
-Waxaa wali go’an isgaarsiinta inkastoo adeegyada qaar ee intarnetka ay shaqeynayaan
– Dagaalka wuxuu saameeyay magaalooyinka deriska la aha Beledxaawa ee Mandera iyo suuf ee Kenya iyo Itoobiya.
-Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here