SOMALILAND: DADWAYNE U CADEENAYAY MADAXWAYNAHA JABUUTI OO LAGA DAAD GUREEYEY MAGAALADDA BOORAMA

0
277

Boorame(Ceelgardinews.com) Magaalada Boorame e xarunta Gobolka Awdal waxa maanta ka baxay dadwayne aad u tiro badan kuwaasi oo u sii jeeda dalka Jabuuti.

Dadwaynahan oo ay qaban qaabadooda ka shaqaynaysay xafiiska dalka Jabuuti ee ku yaala magaalada Boorame ayaa si wayn uga dhex muuqday iyada oo ujeeddada loo kaxaynaayo dadkan ay tahay sidii ay ugu soo cadayn lahaayeen madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Omer Geele,

Sidoo kale magaalada Hargeysa ayaa waxa xarunta safaarada u ah dalka jabuuti ee ku taal Caasimada laga waday maalmahii ugu danbeeyey ururinta dadka haysta dhalashada dalkaasi oo la doonaayo in ay u soo codeeyaan madaxwaynaha haatan ee Jabuuti oo ah musharax u taagan xilka jagada madaxwaynenimo ee dalkaasi,

Xukumada Jabuutii oo saamayn ku leh siyaasada Somaliland ayaa waxa dhawan ay ka daah durtey markeedii ugu horeysay Xarumaha Safaarada Jabuuti ee magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame iyada oo ujeedka ugu wayn ee furitanka safaaradan xiligan loogu soo beegay ay tahay sidii gudaha Somaliland loogu olalayn lahaa madaxwayne Geele.

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here