Telesom Maxaa laga faa’idey intii ay jirtay?

0
493

Telesom Maxaa laga faa’idey intii ay jirtay?

Shirkadda Telesom marka laga hadlayo waxqabadkeeda kala duwan ee ay ka hirgalisay Guud ahaan Soomaalilaand haddana waxa jira adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin shaqo abuurka ay sameysay, caawinta Bulshadda iyo ka qayb qaadashadda xaaladaha dabiiciga ah ee deg-dega ah marka intaa laga yimaado waxa u dheer In adeega Zaad sabab u ahaa qodobadan:-

1. Intii adeega zaad yimi ayaynu helay acccount xisaabeed bank oo lacag la’aan lagu furto ama lacag dhigaal ah “deposit ” aan laga rabin.

2. Intii aynu Zaad helnay ayaynu helnay lacag Ehelkaaga iyo Asxaabtadaba Aad u diri karto iyadoo wax komishan ah laga qaadin iyaguna ku soo diri karaan bilaa khidmad.

3. Intii adeega zaad jiray Waxa laga raystay lacagihii lagu qaadan jiray jeebka khaanada gaadhiga qasnada guriga, Ama qasnada meherada oo dhammaantood halis badani ku gadaanayd waana hab telesom sahashay.

4. Intii adeega zaad jiray Waxa iyana laga raystay intii telesom la helay meheradii biilka aad ka qaadan jirtay ee xisaabta isku qaban jirteen bishii hore intaasan bixiyay iyo intaa kaama haynin , iminka kaliya waxa aad soo daabacan naysaa .Zaadki aad ku dirtay bishan muran yimaado.

5. Haddii xaaska iyo carruurtu magaalada Aad ka shaqayso aanay kula joojin oo magaalo kale degan yihiin marka aad mushaharka qaadato waxa aad biilka u dhiibi jirtay gaadhi magaalada ay degan yihiin u baxa oo lacag kaa qaadan jiray gaadhiga laftiisuna khatar badan ku gali jiray iyo lacagta oo laga xado imika se waxaad daqiiqado ugu diri kartaa adeega Zaad.

6. Intii adeega zaad la helo ayaa laga reystay Tuug xadda, xisaabxumo iyo murankii lacagbixinta.

7. Intii adeega zaad jiray ayaa la hellay in sadaqada goboladda iyo caawinta dadka si fudud looga qaybqaato.

8. Intii adeega zaad jiray ayaa laga reystay Mushahar Kiyuu ah.

9. Intii adeega zaad jiray ayaa bilkasta adigoo gurigaaga jooga aadbixisay adigoo badbaadiyey wakhti iyo lacag bus iyo shidaal.

10. Intii adeega zaad jiraybaa Sarifle casriya lagaaga sameeyay moobilkaaga.

Wixii kale idinku ku dara ee adeega zaad sahlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here