Tirada Iyo Magacyada Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsan Oo Talo wadar Ah Kaga Dareeray Madal Dan U Ah Tiir-dhexaadka Bulshada Oo Lagu Casuumay

0
265

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirrada Somaliland, ayaa maalintii shalay si wadar ahaan ah uga dareeray madal lagu dhagax dhigayey gegi cusub oo kubadda cagta ah oo la doonayey in dhallinyarada lagaga mashquuliyo balwadaha iyo waliba aafada tahriibta. Xubnaha wasiirrada ah ee lagu casuumay madashaas dhagax dhigga ah, ayaa talo ahaan isku raacay inaanay dhallinyarada u dhagax dhigin garoonkaas la rabay in dhismihiisa la bilaabo, waxana ay isku raaceen inay dabada u jeediyaan dhallinyaradii soo casuuntay ee wakhtiga badan gelisay inay madashaas kala soo qayb galaan.

Weriyeyaal ka Tirsan Wargeyska HUBAAL oo Madasha dhagax-dhiga garoonkan goob joog ka ahaa ayaa soo weriyey xubnahan ay boggaga madaw ee diiwaanka taariikhda u galeen sadarro milil badani ku xardhan yihiin, kuwaas oo tiradoodu shan ka koobnaayeen; waxaanay kala ahaayeen

  1. Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maalliyadda Somaliland Md Maxamuud Jaamac Galaal,
  2. Wasiir-Ku-Xigeenka Ciyaaraha Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin,
  3. Wasiirka Ciyaaraha Md Cabdilaahi Faarax Maydhane,
  4. Wasiirka Warfaafinta Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani)
  5. Iyo Waliba Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud. Wasiirradan, ayaa markii ay soo cago-dhigteen goobtii garoonka laga dhagax dhigayey, waxa ay si hoose isku weydiiyeen xaaladda garoonkaas, waxana ay isku qanciyeen in baaxadda gegidaasi aanay istaahilin in qunyar la iska dhagax dhigo, balse taas beddelkeeda ay u baahan tahay in wasiirradu gacanta geliyaan, isla-markaana ay qorsheyaashooda ka fushadaan. Shux shux badan iyo xan hoose oo dheer oo ay xubnaha wasiirrada ahi isku weydaarsadeen goobta ay fadhiyeen ayey ku go’aansadeen inaanay gegidaas dhagax, maadaama aanay qorshayaasha iyo nashqadaha garoonkaasi soo marin gacantooda, waxana ay muujiyeen damaca iyo hunguriga la xidhiidha garoonkaas la rabay in la dhagax dhigo. Waxyaabaha wasiirradu is-weydiinayeen ee xubnaha warbaahinta ee madasha ku sugnaa dhegahooda ku soo duulayay waxa akamid ahaa inay xubnahaasi muujinayeen inuu hunguri ka galay dhulkaas, isla-markaana ay damceen in qorshaha gacantooda lagu soo celiyo si ay waxoogaa uga faa’iidaystaan. Sidoo kale waxa ay xubnahan ka muuqday inay damceen gacan-gelinta dhulka garoonkaas laga hirgelinayo oo baaxaddiisu weyn tahay, isla-markaana doonayeen in iyaga loo daba fadhiisto. Waa markii ugu horraysay ee wasiirro tiradaas le’eg oo xukuumadda katirsani si ula kac ah uga dareeraan madal casuumay oo lagu soo sharfay, waxana ay taasi muujinaysaa inaanay wasiirrada badankoodu dan ka lahayn inay qayb ka qaataan tallaabooyinka lagula tacaalayo yaraynta tahriibka.