Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhaawacantey rasaas ka dhacdey Bosaso oo uu ku jiro Wasiirkii Amniga

0
285

War hadda ku soo dhacay ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab dhaawac soo gaarey ka dib markii ay rasaas fureen ilaalada Taliyaasha Birmadka iyo Boliska oo khilaaf u dhexeeyey.

Ugu yaraan 6 askeri ayaa ku dhaawacmey iyo Wasiirkii Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab

Wararka Horseed Media  soo gaarey ayaa sheegaya in kulan amniga looga hadlaayey uu ka dhacay xarunta ciidanka Birmadka ee Bosaso, kadibna muran adag oo dhexmarey Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) iyo taliyaha ciidanka Booliska Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yusuf, waxaana   goobjooge  halkaas ku sugnaa Horseed Media u sheegey in ay labada masuul gacanta isula tageen feedhkoodana loo kala baxay.

Ciidamaada ilaalada u ahaa labada masuul ayaa soo dhexgalay waxayna ku hadleen luuqadda ay garanayeen iyaga oo furey rasaas badan oo hoose,  war ayaa jira ku eedeynaya Ilaalada taliyaha Boolisku in ay rasaasta fureen, taas oo u ku dhaawacmey Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).3

qarjabka (1)

Isbitaalka Bosaso ayaa la gaarsiiyey 6 askeri oo dhaawac ah iyo Wasiirka Amniga oo qaba dhaawac fudud.

Shaqaaqadan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo madaxweynaha Puntland ku sugan yahay magaalada Bosaso

faah-faahin  gadaal ayaa laga daabacayaa

Xigasho .

Horseed Media 2016