Ururka Wadaniga Ah Ee Vosomwo Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Falkii Foosha Xumaa Ee Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Ku Laayey Dad Kasoo Jeeda Beesha Tumaalo,

0
254

Baaqna U Kala Diray Madaxweyne Siilaanyo, Culimada, Salaadiinta Iyo Asxaabta Siyaasadda Inay Deg-Deg Wax Uga Qabtaan ISIR Sooca

Hargeysa(Ceelgardinews.com)- War-saxaafadeed; “Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo waxa uu si Kulul u Cambaareynayaa Falkii foosha xummaa ee axadii 9/10/2016-ka ka dhacay Degmada Wajaale ee lagu laayey dad aan waxba galabsan oo shacab ah, kaddib Markii ay Ciidamadda Booliska Somaliland ku fureen Rasaasta Nool, halkaasna ku Dileen Nin kamid ahaa dadka Farsamo-yaqaanada ah ee Degmada u dhashay,

kuna dhaawaceen laba kamid ah, dadweyne ka cabanaayey baro-kac iyo awood sheegasha uu kula kacay Godoomiye ku-xigeenka Degmada Wajaale. Falkaas ka baxsan Bini-aadanimada ee awood sheegashada iyo Isir la dirirka ah ee maamulka degmadu la bartilmaameedsaday Beesha Tumaalo goob ay degenaayeen dad farsamo-yaqaano ah, isla markaana ay degenaayeen boqolkii sanadood ee u danbeeyey dhulka Wajaale ee hadda dawladda hoosi ku damacday, kuwaasoo ay ku sameyn jireen qalabka wax soo saarka ee dalka. Waxanu tallaabadaas u aragnaa Urur VOSOMWO ahaan inay tahay gar-daro garab og, iyo sidoo kale xadgudub iyo weliba Isir la dagaalan ka dhan ah Beelaha Gabooye oo ay ku hayso Beesha dhexe ee Somaliland. Sidaas daraadeed,

waxaanu halkan baaq uga diraynaa inuu arrintaa si deg-deg ah wax uga qabto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, hadii Bulshada uu Madaxweynaha u yahay u cadaalad sameynaayo, anigoo ka Codsanaynaa inuu sharciga horkeeno shaqsiyaadkii rasaasta nool u adeegsaday dadweynihii dhulkooda xooga lagaga qaadayey ee loogu awood sheegtay, isla markaana gacan-yarayaashiisa Xukuumadda uga masuulka ah Degmadda Wajaale amraan in la laayo, dhulkoodana xoog ay ku qaataan dad shaadh Xukuumadeed usoo gashaday. Madaxweyne markii aanu u dhabo galnayn, Tagnay Goobta dadka loogu awood sheeganaayo,

dadkii Magaaladda oo Cid kastaba lehna waraysanayn, waxaanu xaqiiqsanayn in dadkaa kasoo jeeda Beesha Tumaalo, ay dhulkaas iyagu leeyihiin oo waliba maxkada degmada wajaale ay u xukuntay lahaanshaha dhulkaas ay ku shaqaysanayeen ee dooxa qarkiisa ah oo ay xaadhxaadheen kana nadiifiyeen qashinkii iyo wasakhdii lagu daadin jiray dooxaas sidoo kalena dadka ku dhaawacmay waxaa kamid ah wiil ka soo jeeda beesha tumaalood oo maskaxda xabad lagaga dhuftay

,maskaxdiina ay daadanayso oo yaala hargaysa hospital kuna jira xaalad geeri iyo nolal u dhexaysa wiilkaas dhaawacmay oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo dhakhtarka hargaysa waxaa kaloo ku dhaawacmay odayga dhalay fanaanda ka so jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee beesha Tumaalood BARWAAQO QALANJO aabaheed oo isna lagula tacaalayo dhakhtarka magaalad gabilay Sidoo kalena ay dhulkaas Dooxa ah Mulkiyadiisa haystaan, oo ay weliba degenaayeen Boqolaal sanadood. Hase-yeeshee Mudane Madaxweyne, waxa arrintaas si dulmi ah oo weliba Isir la dirir ah dadkaa masaakiinta ah kula kacay ee qaarna laayey, qaarna dhaawacay, kuwo kalena hantidoodii ku burburiyey nin lagu sheegay inuu degmada ka yahay Gudoomiye Ku-xigeenka oo lagu magacaabo Mursal Nuux Cismaan. Kaasoo isaga uu hunguri ka hayo dhulka dadkaas masaakiinta ahi ku ganacsanayaan. Haddaba,

Mudane Madaxweyne anigoo ogsoon inaad Maanta Madaxweyne u wada tahay dhamaan shacabka reer Somaliland hadday tahay Bulshada Gabooye iyo hadii ay tahay Beelaha kale ee aanu walaalaha nahayba, waxaan magan kaaga nahay sidii dulmiga lagu hayo dadkaa Farsamo yaqaanada ah ee loogu awood sheegtay shaadhkii Xukumadaada aad waxka qabato, oo weliba sharciga sida ugu dhakhsaha badan u mariso,

isla markaana aad Bulshada la dulmiyey tusto waajibaadkaagii Dastuuriga ahaa ee saldhigiisu ahaa inaad bulshada dhamaanteed madaxweyne u tahay iyo inaad adiga iyo Xukuumadaadu kula socon Falkaa argagaxa leh ee lagu xasuuqay Bulshada Gabooye ee ka dhacay degmada Wajaale. Gabo-gabadii, waxanu arrintaas ISIR la dagaalanka ah wax ka qabashadeeda uga fadhinaa Bulshada Somaliland oo dhan, Culimada, Waxgaradka, aqoonyahanka, Sallaadiinta Iyo Xukuumadda Somaliland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Siilaanyo. Iyadoo Beelaha Gabooye ay hore wax uga tirsanaayeen Xukuumadda oo ay gabi-ahaanba ka madhnaayeen qaybaha kala duwan ee Xukuumadda jirta,

golayaasha qaranka ee Baarlamaanka iyo Deegaanka, sidoo kalena qaybo kamid ah bulshada Somaliland oo Beelaha gabooye ku haya Cay joogto ah, aflagaado Isir iyo dhaqano ay Xaaran timaysay Diinteena Suubani oo Isir sooc ah. Hadii waxba deg-deg Xukuumadda iyo samo-taliska Somaliland arrintaa wax uga qaban waayan, waxanu arrimaha ka dhan ah Bini-aadanimada ula tagaynaa Hay’addaha xaquuqal Insaanka, iyo cid kastaa oo waxka qabanaysaa iyo sidoo kalena inaanu u badheedhno Cudud kastaa oo naga hortimaada, isla markaana difaacano oo naftayada u hurno sidii aanu u dhacsan lahayn xuquuqdayada aanu dalka ku leenahay. Hase-yeeshee waxanu ka dhursagaynaa oo Il dheer ku eegeynaa tallaabadaas sida ay Xukuumaddu wax uga qabaato”.

Waa Bilaahi Tawfiiq Waxa soo Diyaariyay Ururka Codka Haweenka ee laga tirade badan yahay ee Vosomwo Faysa Cabdilahi Diiriye Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here