Waa Kuma Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb, Waxbadkiisii Bulshada xiligii uu Ganacsadaha ahaa, Horumarka laga filaayo inuu Wasaaradda gaadhsiiyo, isku xidhka ganacsatada iyo Wasaaradiisa+Bo-gaadinta Shacaabka ee Magacaabis. W/Q Farxaan Cali Jaamac.

0
319

Hargeysa(Ceelgardinews.com)-Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Md. Cumar Shacayb oo dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo u Magacaabay Wasaaradda ayaa ah Khabiir ku xeel-dheer arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga, kaasoo mudo dheer kusoo dhex jiray arrimaha ganacsiga iyo sidoo kale Kobcintiisa.
dr omerHaddaba, waxaynu Maanta iyo Maalmo kalaba Hadii Eebbe Idmo qormooyin kala duwan kusoo qaadan doono, khibraddiisa Ganacsiga, waxyaabihii uu kusoo kordhiyey Ganacsiga Dalka, waxyaabaha laga fili karo ee uu waxka qaban doono, koboca ganacsiga dalka iyo sidoo kale in laga fili karo guulo aanay hore Wasaaraddu ugu talaabsan.
Ugu horrayn, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Cumar Shacayb waxa uu shacabka Somaliland ka aaminsan yihiin inuu yahay Wasiirka keliyaa ee uu magacaabistiisa asiibay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, maadaama oo u yahay Wasiirkii ugu khibrada badnaa ee soo mara wasaaradan, iyadoo xiliyadii hore Wasaarada ganacsiga loo soo magacaabi jiray shaqsiyaad aan aqoon u lahayn ganacsiga iyo arrimaha ku taxaluqa, taasoo ah arrimaha wasaaradaasi ka gudbi wayday sannaadihii Somaliland jirtay, isla markaana u saameyn badan ugu yeelan wayday koboca ganacsiga dalka.
Wasiir Dr. Cumar Shacayb waxa laga filayaa inuu noqdo Wasiir wasaaradaas horumariya, waxana u yaala duruufo adag, haddana waxay dad badani aaminsan yihiin inuu yahay Nin ka gudbi karaa oo Wasaaradda ganacsiga meel fiican gaadhsin karaa, walow aanay ganacstada reer Somaliland hore ugu xidhnayn wasaarada, waxana suuro gal ah inuu Wasiirkani noqdo mid dariiqa hore waxka bedeli karaa, oo uu isku xidho Biriishka Wasaarada iyo Ganacsatada, maadaama oo uu yahay Nin ganacsade ah oo horana uga mid ahaa bahda ganacsatada.

Geesta kale, waxa Wasiirkan cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashi laga filayaa inuu dalkan Jamhuuriyadda Somaliland kusoo xidho mashaariic faro badan oo ganacsi, kuwasoo dalka kusoo kordhin doona koboc dhaqaale oo faro badan. Cumar Shucayb waa shaqsi lagu sheego inuu degen yahay, kasoo arrimaha shaqo ee horyaala laga fili karo inuu la tashiyo marka uu sameeyo uu kaga gudbi karo caqabad kastaa oo soo foodsaarta.

Dr. Cumar shucayb intii aanu noqon wasiirka ee uu ganacsadaha ahaa waxa lagu tiriyaa inuu ahaa shaqsi waxqabad leh oo si weyn wax uga qabtaa arrimaha Bulshada, maadaama oo uu isagga oo shicib ah uu ahaa shaqsi waxbadleh Maanta oo uu Masuul qaran noqday waxa laga filayaa inuu sii horumariyo hawlihiisii mutada-wacnimada ahaa.la soco taarikhda Wasiir Shacayb oo aanu qormooyinka danbe waxbadkiisii arrimaha bulshada xiliyadii uu ganacsadaha ahaa idiin soo bandhigi doono degmooyin uu hawlo bulsho waxkaga qabtay, xiliyo uu mutadawacnimo gargaaro caafimaad u fidiyey shacabka reer Somaliland, iyo sababta madaxweyne siilaanyo usoo xushay ee booska wasiirnimo uu ugu doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here