Wafti Wasiiro Ah Oo Kormeeray Wadada Jidka Cad Ee Hargeysa ilaa Inna Guuxa Oo Dhismaheedu Socdo

0
438

 

Hargeysa(CN)Wafti Wasiiro Ah Oo Kormeeray Wadada Jidka Cad Ee Hargeysa ilaa Inna Guuxa Oo Dhismaheedu Socdo + SAWIRO

Wasiiro Ay Ka Midyihiin Waskirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Wasiirka Wasaarada Wasaarada Waxbarashada Wasiirka Wasaarada Arimaha Bulshada Iyo Qoyska Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka.Gudoomiyaha Hay’adda NADFOR.Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Maroodi Jeex.Xoghayha Dawladda Hoose Ee Hargeysa Iyo Ingineerka Gacanta Ku Haya Dhismaha Wadada Jidka Cad.

Ugu Horeyn Waxa Halkaa Ka Hadley Eng Cabdirisaaq Wiiwaa Oo Ah Injineerka Gacanta Ku Haya Dhimaha Wadada Jidka Cad Ee Hargeysa Ilaa Ina Guuxa Waxaanu Tilmaamay Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Wadadani Soo Martay Iyo Halkay Maanta Marsyso Waxaanu Injineerku intaa Ku Daray In Cid Kasta Oo ka Qeyb Qaadatay Dhisida Wadadan Ay U Mahadnaqayaan.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayd) Oo Hadalka Qaatay Ayaa Ku Nuux-nuuxsaday Inay Ka Xukuumad Ahaan Ay Ku Faraxsanyihiin In Wadadani Noqoto Mid Taaba Qaada oo isku Xidha Labada Dal Ee Somaliland Iyo Itoobiya Oo Xuduud Dhulka Ah wadaga Waxaanu Agaasime Cumar Sayid Intaa Ku Daray In Hadii Wado La Helo Ay Fududaneyso Isku Socodka Labada Dhinac Ee Somaliland Iyo Itoobiya, Sida oo kale agaasimaha gaadiidku waxa uu intaa raaciyay in wadadani insha allah mudo dhow ay inoo dhamaandoonto.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaloomaysiga Siciid Sulub Oo Waftiga Hogaaminayay Ayaa Yidhi”Anigu Waxaan ku dhashay awaare oo waxaaba ii fududaanaysa inaan tago’ waxaanan duco huwinayaa cid kasta oo wadadan qaadhaan ku deeq xukuumad, ganacsanto,qolqol joog iyo qurba joog taasina waxay ku tusaysa in hadii gacmaha lays qabsado aynu wax badan qabsan karrno”

Ugu Danbayntii Waftiga Kyaa Soo Kormeeray Halkay Marayso Wadada Jidka Cad Ee isku Xidha Hargeysa ilaa inna Guuxa.

Halkan Hoose Ka Daawo

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here