War Deg Dag Ah: Madaxwaynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland. –

0
331
Hargaisa(Ceelgardinews.com)Halkan kaga boggo warkaasi oo faahfaahsan

Taariikh: 29/04/2016

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

 

1. Ujeeddo:      Xil-ka Qaadis

Ku:      Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,

            Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta     

Og:      Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

 

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa

qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

 

 

2. Ujeeddo:   Xil-ka Qaadis

 

Ø  Ku:      Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

            Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL                                            

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.