War Deg Deg Ah . Ciidamada Gobolka Togdheer Oo Xabsiga U Taxaabay Mid Ka Mid Ah Wariyaasha Star Tv Magaalada Burco

0
345

Burco (Ceelgardinews.com) – Ciidamada Policeka Gobolka Togdheer Ayaa Xabsiga u taxaabay suxufi mahad cali Goodir oo Ka Mid ah hawl wadeenada warbaahinta ee ka hawl gala Gobolka togdheer Gaar ahaan Tvga Star, suxufigan ayaa markii la xidhay waxa uu ku sugnaa xarunta maamulka Gobolka togdheer ee magaalada Burco oo uu ka socday kulan ay wada lahaayeen Maamulka Gobolka iyo Dad aaminsan Takfiirnimada oo maalmihii ugu dambeeyey ku soo badanaayey degitaankoodu magaalada Burco.

13699968_1725570684357839_3698508906699759112_n

 

Suxufigan oo aan haba yaraatee wax qalab ah sidan Kana mid ahaa dadkii ku sugnaa Xaruntaasi maamulka gobolka ayaa waxa ay ciidamada Ka Shaki qaadeen in uu sawiro ka qaaday Kulankaasi iyadoo aanu suxufigani sidan wax qalab ah ama uu wax ku sawiro Taliyaha Ciidanka Policeka ee Gobolka togdheer Mr Guutaale ayaa amray xadhigan suxufigan isagoo ay jidh dil Dhirbaaxo iyo Cambusaad ah ay isugu dareen ciidankaasi gaar ahaan Taliyaha Saldhiga dhexe ee Policeka Gobolka.

Gudoomiye Ku xigeenka ururka suxufiyiinta somaliland ee solja Keyse Axmed Digaale Ayaa Arintaasi si adag uga hadlay isagoo cambeereeyey xadhigaasi sharci darada ah ee ciidamada Policeka gobolka Togdheer ay Tuhunka aawadii ugula kaceen suxufigan waxaana uu ku baaqay in dhakhtar la tuso xaaladiisa madaama ay ciidamadu si sun u garaaceen suxufigan sharcigana la horkeeno askartii samaysay falkaasi.

Gabagabadii xadhigan loo geystay suxufi Mahad cali Goodir ayaa qayb ka noqonaaya Tacdiya Joogtada ah ee lagula kaco suxufiyiinta kala duwan ee ka hawl gala guud ahaan Gobolada Dalka.

Goor Dhow la Soco Muuqaal la Xidhiidha Xadhiga Suxufigaasi.