Garyaqaan Falanqayn Sharci Ku Sameeyay Dacwada Xisbiga UCID ee ay Gacanta Ku Hayaan Guddida Diiwaan-galinta Ururada iyo Axsaabta iyo Goaanada Ay Soo Saari Karaan.

0
334

Hargaysa (Ceelgardinews.co) Dacwada Xisbiga UCID: Go’aanka Laga Sugaayo Gudida Diiwaan-galinta Ururada Siyaasadad & Ansixinta Axsaabta Qaranka.

 

Maxaa loo Xukumayaa Jamaal Cali Xuseen?

Musharixiinta ma waxa lagu doortaa Shir-weyne Mise waxaa lagu doortaa Golaha Dhexe?

1- Waxana inooga jawaabaya Xeerka Xisbiga UCID Qodobkiisa 16aad Faqradiisa 10aad waana sidan:- Waxa ay u codaynayaan cidda noqonaysa musharraxa Madaxwaynaha iyo M.xigeenka.

2- Sidoo kale Qodobka 27aad Faqradiisa 1aad ee Xeerka Xisbiga UCID waxa uu si cad u qeexayaa cida dooranaysa Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waana sidan :- Musharixiinta Madaxweyne iyo Madaxweyn xigeen ee xisbiga waxa dooranaya Golaha dhexe ee xisbaga.

3- Isla Qodobkaas 27aad Faqradiisa 5aad ayaa si cad ugu diidaysa Faysal in uu isku soo taago jagada Musharaxnimada Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha wax ka badan 2 jeer, Waxa kale oo ay u diidaysaa in uu 2 jeer noqdo Gudoomiyaha Xisbiga waxana ay u dhigan tahay sidan:- Xubina looma sharixi karo musharax Madaxweyne ama ku Xigeen wax ka badan laba jeer.

Waxa kale oo faqradaa u marag-furaaya Qodobka 12aad Faqradiisa 1aad iyo 2aad Xeer 14 oo ah xeerka lagu Aasaasay Ururada iyo Asxaabta Qaranka waana sidan :- Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga
1. Qofna jagada Madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
2. Xisbi qaran jagada Gudoomiyaha Xisbiga uma sharixi karo xubin laba xil-doorasho wax ka badan. Qodobkaas 12aad waxa laga soo dheegtay Distoorka Somaliland Qodobkiisa 88aad, waxana uu u dhigan yahay sidan:- MUDADA XILKA
1. Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.
2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

4- Waxa sidoo kale Baraxaaya Musharaxnimada Jamaal Qodobka 16aad ee Xeerka Xisbiga Kaas oo qeexaaya Hawlaha Golaha Dhexe ee Xisbiga waxana aad si-gaara u eegtaa Faqradiisa 9aad iyo Faqradiis 10aad, waana kan qodobkii:- Hawlaha Golaha Dhexe ee Xisbigu waxay noqonayaan:-

1- Waxay iska dhex dooranayaan xubnaha gudida fulinta marka laga reebo gudoomiyaha sadexda gudoomiya kuxigeen, xoghayaha guud iyo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga.
2- Waxa kale oo ay iska dhex dooranayaan saddex xubnood oo ah gudi hanti-dhawr oo u madax bannaan hawlahooda, islamarkaana toos ugu soo gudbin kara warbixintooda golaha dhexe.
3- Waxay ansixinayaan miisaaniyada xisbiga, waxaanay toosinayaan nidaamka maamulka, hogaaminta siyaasada xisbiga iyo barnaamijyada siyaasada xisbiga lagu hogaaminayo.
4- Waxay dhagaysanayaan warbixinaha ay usoo gudbiyaan gudida fulintu waxayna qiimaynayaan waxqabadka gudida iyo horumarka hawlaha xisbiga iyagoo ka doodaya arimahaasi isla markaana go,aan ka soo saaraya.
5- Golaha dhexe waxa uu ku hagaajinayaa xisbiga istiraatijiyada siyaasada ee ku salaysan wada tashiga iyo dimuqraadiyada iyadoo taladu ka imanayso xaga hoose una gudbaysa xaga sare.
6- Golaha dhexe ee xisbigu waxa uu diyaarinayaa barnaamijka siyaasada ee xisbigu kaga qayb galayo arimaha la xidhiidha nabadgalyada iyo horumarinta bulshada.
7- Golaha dhexe waxa uu hubinayaa fulitaanka go’aamada hore loo ansixiyay iyo habka uu u fulay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigu, waxaana uu tilmaamayaa habka ugu wanaagsan ee looga faa,iidaysanayo fursadaha soo mara xisbiga, islamarkaana waxa uu xallinayaa wixii khilaaf ah ee ku yimaada mas’uuliyiinta sare ee xisbiga.
8- Golaha dhexe waxa uu kormeeri kara hawlaha xisbiga waxaana uu dajin karaa nidaam casriya oo lagu maamulo hantida xisbiga, laguna hoggaamiyo hawlaha isla markaana waxa uu ka joojin karaa hawlaha cid-kasta oo ay ku caddaato inuu wax u dhimayo hawlaha xisbiga ama aanu si daacada u wadin hawlaha xisbiga.
9- Golaha dhexe waxa uu ansixinayaa heshiisyada dhexmara xisbiga iyo xisbi kale oo ku saabsan iskaashiyo wax-wada qabsi oo la xidhiidha arimaha siyaasada ee ay u soo gudbiyaan gudida fulintu iyaga oo ku ansixinaaya cod 2/3 ah.

13781812_641779875972408_2235538550256729461_n

Fiiro Gaara:- Faqradani waxa ay si cad oo aan gabasho lahayn u qeexaysaa in dhamaan heshiisyada uu Xisbigu la galo Xisbi kale in ay ansixinayaan Golaha Dhexe, hadaba iyada oo laga duulaayo Qodobka 10aad Faqradiisa 9aad waxa lagu dhaqmayaa heshiiska ku Taariikhaysan 12/07/2012, heshiiskaas oo ay ansixiyeen Golaha Dhexe fadhigii ku Taariikhaysnaa 28/10/2012 kaas oo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ku-saxeexan yahay, go’aamadii ka soo baxayna loo gudbiyay Gudida Diiwaan-galinta Ururada Siyaasadeed & Ansixinta Axsaabta Qaranka sida ku cad qoraalka sumadiisu tahay:- Lr.Ref/UCID/843/2012 ee la qoray 28/10/2012. si waafaqsan Qodobka 2aad Faqradiisa 6aad ee Xeer Lr 14/2011, waxana uu u dhigayaa sidan:-Mabaadii’da Guud iyo U Hogaansanaanta Sharciga:- Marka ay dhacdo in laba urur iyo in ka badini isu tagaan si ay u samaystaan is-bahaysi ama Urur/xisbi ku biiro inta ka horaysa doorashada Golayaasha Degaanada, waxa loo soo gudbinayaa Gudidda Diiwaan-gelinta Ururada siyaasada iyo ansixinta Axsaabta Qaran ka nuqul asal ah (original) oo ah heshiiska isbahaysiga ah.

10- Waxa ay u codaynayaan cidda noqonaysa Musharraxa Madaxwaynaha iyo M.Xigeenka.

Fiiro Gaara:- Intaas oo dhan soo dhaaf waxa inoo geeyay faaqidaadaas Faqrada 9aad iyo 10aad ee Qodobka 16aad ku jira, hadaba mar hadii ay sidaas u hadashay Faqrada 9aad iyo 10aad ee Qodobka 16aad ee Xeerka Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabaw halkeed ka keentay Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen ha la hor-geeyo Shir-weynaha ? Se hadii garaadkaagu taas kuu sheegay, na tus oo nooga soo saar Xeerka Xisbiga UCID ? Noona qeex waxa keenay in aad si-indho-la’aana aad u jiidho heshiiskii aad gacantaada midig aad ku saxeexday ? Se hadii aanay garaadkaaga ka soo bixin yaa kugu soo madax-taabtay oo kugu weheliya ? Se ma waxa aad garan-weyday in aan si maamuus iyo milgo leh aad u galbiso guusha Jamaal Cali Xuseen? Se Jamaal ma waxa aad mooday Ciro?.

11- Waxay iska dhex dooranayaan xoghayaha golaha dhexe iyo guddi-hoosaadyo. Guddi-hoosaad kastaana waxay iska dhex dooranayaan guddoomiye, g.xigeen iyo xoghaye.

12- Haddii ay xubin golaha dhexe ah ay ku timaado geeriyi ama uu ku waayo xubinimada sida ku xusan qodobka 8aad, waxaa soo magacaabaya xubinta lagu bedelayo laanta uu ka tirsanaa xubintaasi meesha ka baxday ka dibna waxaa ogolaanaya guddida fulinta waxaana ansixinaya kalfadhiga ugu horreeya ee golaha dhexe.

Xil-ka-qaadis Xubnaha Hogaanka Xisbiga oo aan Xeerka Xisbiga aanu waafajin
Sida ku cad Xeerka Xisbiga UCID.

Waxa uu xilkii ka qaaday ama magacaabay hogaanka ah oo in shir-weyne lagu doorto ama marka ay banaanaadan Golaha dhexe buuxinaayo, waxaana qeexaaya Xeerka Xisbiga waana kuwan qodobadaasi:- Qodobka 14aad Faqradiisa 1aad waana sidan:- Shirwaynuhu waxaa uu dooranayaa Gudoomiye, Gudoomiye xigeenka koowaad, ka labaad,ka sadexaad,Xoghayaha guud iyo kuxigeenka xoghayaha guud shantii sanaba mar. Qodobka 16aad Faqradiisa 1aad waana sidan:- Waxay iska dhex dooranayaan xubnaha gudida fulinta marka laga reebo gudoomiyaha sadexda gudoomiya kuxigeen, xoghayaha guud iyo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga. Qodobka 26aad Faqradiisa 1aad & 2aad waana sidan:-

Banaanta Hogaanka Sare ee Xisbiga.

1. Hogaanka sare ee Xisbigu waxa uu ka koobnaanaya lix xubnood oo kala ah:
a. Gudoomiyaha Xisbiga
b. Sadexda Gudoomiye ku xigeen
c. Xoghayaha Guud ee Xisbiga
d. Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

2. Hadii aay timaado in hogaanka sare ee xisbiga xubin ama xubno ka mid ah aay lumiso xilkii aay xisbiga u haysay si waafaqsan xeerka, waxa awood u leh soo buuxinta xubinta banaanata Golaha Dhexe ee Xisbiga iyada oo cod 1/3 ku dooranayaan musharixiinta u tartanta jagada/jagooyinka banaanaatay.

3. Xubinta cusub ee buuxisa xilka banaanaday waxa aay xilka haynay inta laga gaadhayo shirwaynaha xisbiga ee caadiga ah.

Waxa kale oo qodobadaas Xeerka Xisbiga UCID xoojinaaya Xeer Lr 14/2011, Qodobkiisa 17aad Faqradiisa 1aad waana sidan :- Isbeddelka Hoggaanka iyo shuruucda Xisbiga/Ururka
1. Isbeddel kasta oo lagu sameeyo hoggaanka, shuruucda iyo Qaab-dhismeedka Xisbiga/Ururka waa in laga sheego warbaahinta ugu badnaan 15 maalmood ka dib marka uu Xisbigu/Ururku qabsado shirka uu ku gaadhay go’aanka isbeddelkaas. Qodobkiisa 25aad Faqradiisa 4aad waana sidan:- Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka Shirwaynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.
b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta
t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga
j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.
Biyo-dhaca qaybtaas hore waxa ay ku idishahay waa in Jamaal Cali Xuseen yahay Musharaxa Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka, iyada oo laga duulaayo qodobadaas oo dhan.

Maxaa loo xukumayaa Faysal Cali Waraabe?.

Musharaxnimada Jamaal maaha mid Shir-weyne lagu doorto, waxana Faysal kuu qeexaaya:- qodobka 14aad ee xeerka xisbiga UCID ayaa burinaaya Dacwada Faysal ee ku fadhida waa in shir-weynaha la hor-geeyaa Musharaxnimada Jamaal waana kan qodobkii oo dham:-

Awooda iyo Waajibaadka Shirwaynaha.

1. Shirwaynuhu waxaa uu dooranayaa Gudoomiye, Gudoomiye xigeenka koowaad, ka labaad,ka sadexaad,Xoghayaha guud iyo kuxigeenka xoghayaha guud shantii sanaba mar.
2. Waxaa kale oo uu dooranayaa xubnaha golaha dhexe ee banaanaada ama cusub ama wuxuu u wakiilanayaa cidda awood uu u siiyo.
3. Shirwaynuhu wuxuu ansixinayaa xeerka iyo barnaamijka hogaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo go,aamada ay usoo gudbiyaan golaha dhexe iyo gudiyada fulinta isaga oo habaynaya siyaasada guud ee xisbiga.
4. Waxaa uu ka doodayaa warbixinaha loo soo gudbiyo iyo ajandayaasha loo soo diyaariyo isaga oo eegaya xaalada lagu horumarinayo hawlaha xisbiga, islamarkaana qiimaynaya warbixinaha loo soo gudbiyo, Waxaana uu go’aan ka soo saarayaa arimahaasi laga dooday.
5. Waxaa kale oo uu qiimaynayaa howlqabadkii gudida fulinta mudadii ay xilka haysay, wixii u qabsoomay, wixii qabsoomi waayay, sababta ay u qabsoomi wayday iyo sida loo xallinayo.

Fiiro Gaara:- Faysal ka soo saar xeerka Xisbiga halka ay kaga jirto in shir-weyne lagu doorto Musharixiinta Xisbiga.

Waxa hadaba aan ku soo xidhayaa, qarda-jeexa iyo gabashada aan geedna loogu soo-gaban ee Oday Faysal ku dhaqmaayo maaha mid u daran dadka uu is-leeyahay waad ka xoog-weyntahay ee waxa ay sahayn Xisbiga uu intaas oo dhan uu soo dhisaayay, waxana u haboon Odayga in uu si wacan oo milgo iyo maamuus leh uu u galbiyo guusha Jamaal Cali Xuseen, waayo taas baa mahadho iyo waarid u leh magaca Xisbiga iyo ka Oday Faysal Cali Waraabe.

Alaa Mahad Leh.

Qalinkii: Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

CEO Damal Legal Serveis
18/07/2016.