War Deg Deg Ah:-Masuuliyiintii Ka Xidhnaa Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Dib U Helay Xoriyadoodii

0
404

-masuuliyiintii ka xidhnaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa goor dhawayd dib u helay xoriyadoodii.

Xoghayaha cadaalada xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey in masuuliyiintaasi oo kala ahaa gudoomiyaha garabka dhalinyarada Maxamed Sidiiq Dhame iyo Yoonis Axmed Yoonis oo ah xoghayaha dhalinyarada ay dib u heleen xoriyadoodi, waxaanu sheegay in xisbiga Waddani  loo ogolaaday in damiin xisbi loogu sii daayo masuuliyiintaasi.

Masuuliyiintan ka xidhnaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo lagu eedeyey dambiyo kala duwan ayey maxkamada gobolka Maroodijeex  dul dhigtay xukuno kala duwan, iyada xukun hal sano ah la dul dhigay xoghayaha ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis , halka maxkamadu

amartay in xoriyadiisa loo celiyo gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbigaasi Maxamed Sidiiq Dhame, balse xeer ilaalintu racfaan ka qaadatay xukunkiisa.

XIGASHO Hadhwanaagnews.com