Berbera(Ceelgardinews.com)Xukumada uu Gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Siilanyo ayaa ku wareejisay maamulka Warshada laydhka Berbera Koox Ganacsato ah oo Maamulaayay Sanadadii uga danbeeyaya ayaa bilaha uga danbeeyaya waxaa uu hoos dhac ku yimi laydhkii Berbera oo sacada uu doono iska go,aaya
Iyada oo lagu jira wakhtigii xagaga uga kululayahay Magaalada Berbera waxaa caawa mar kale ah go,aya laydh magaalada oo gabi ahaanba aan wax laydh ah ka jiran magaalada inta badan ay tahay mid laydhkii ka maqan yahay wakhtigan oo lagu jira wakhti bisha barakaysan ee Ramadan oo kulula badanina uu ka jira magaalada madaama ay Roobab badan ka curta Dalka uu kulalkuna sii labanlabmaayo
Shirkada gacanta ku haysaa maamulka laydhka Berbera oo in badan hoos u dhigtay Qiimaha laydhka hadan waxaa inta badan cabashada uga wayne ka jirtaa laydhka oo wakhti kasta iska tagaaya oo wakhti dheerna iska maqnaanaya iyadoo ay jiraan dad badan oo magaalada ku nool oo aan xamilayn karaynin kulalka jira awgeed arintaas oo inta badan ay walacaa ka muujiyaan shacabka magaalada Berbera oo ka waalacan Xagaagan iyo laydh Magaalada Berbera wadnahan farta ku haya siduu noqon doona xaalku
Dhibaaatooyin Shirkada Gaarka loo leeyahay ee maamusha laydhka Berber laga dhaxlay ayaa ay ka mid yihiin maamul xumo haysta Warshada laydhka Berbera oo Qofka laydh ka maqan yahay hadii uu u baahdo in uu laydh soo ceshada ay ku qaaadanaysaa muddo dheer ama aanu u suurto gali karinba arimahaas oo lagu sababeeya shaqaale yari ay yareeyaan shaqaalaha ka shaqayn jiray laydhka Berbera iyo hoos u dhig ay ku sameeyaan musharooyinkii qaar ka mid shaqaalaha madaama ay yihiin dad macaasha doon ah oo talaabo kasta oo ay faa,iido ku halayaanba qaadayaa ay yihiin
Hadiin aan arinta laydh Berbera aan waxba laga qabnin waa arin samayn wayne ku yaalan karanta shacabka Magaalada Berbera madaama Magaalada Berbera tahay magaalo aan ilbidhiqsi laga maarmi Karin oo baahi wayne u qabaan shacabka Berbera isticmaalka laydhka
Berbera
somaliland