War Deg Deg Ah Warqadii Sir Ah Dawlada Degaanka Itoobiya Ku Hawada Kaga Saartay HCTV Oo La Helay

0
231

Hargaysa (Ceelgardinews.com) War Deg Deg Ah Warqadii Sir Ah  Dawlada Degaanka Itoobiya Ku Hawada Kaga Saartay HCTV Oo La Helay

 

sharciyada ama ruqsada warbaahineed. Waxaanu si adag idiinka codsanaynaa inaad si deg-deg ah hawada uga saartaan satelliteka ThAICOM5 TV-gan HCTV oo ka uga soo  waramay una soo tebiyay si aan haboonayn oo ka madhan xirfadda war-bixinta rasmiga ahayd ee Dawlad degaanka Soomalida Itoobiya. Xirfad xumadan saxaafadeed, oo ku salaysan nacayb, gacan ka hadal, iyo saxaafad caddayn waxay keeni kartaa deganaanshiyo la’aan soo waajahda Gobolka, waxayna ku dambayn doontaa XASUUQ- sidii dhacdadii ka dhacday Rwanda, hadaan deg-deg wax looga qaban. Waxaanan halkan idiinku so lifaaqnay Muuqaalkii. (Video clips) Dhinacayagu, waanu u gudbinay walaacayaga dawladda federaalka ee Soomaliya.

Hay’ad warbaahineed ahaan, Horn Cable Tv inuu ku jiro satellitekiina, waa in uu ka shaqeeyaa dhammaan danaha iyo badhaadhaha bulshada oo dhan, waa in u karti u leeyahay inuu gaadho oo uu saameeya badiba bulshada inteeda badan kuna habaa war lagu kalsoonaan karo oo uu la wadaagayo macaamiishiisha daawata.

Waanu hubnaa in aydun qaadaysaan talaabo deg-deg ah oo laga qaadayo Horn Cable Tv kana qaadi doonto THAICOM5 Satellite, si ay u ilaashato sumcadeeda iyo karaamadeeda warbaahinta ee mustaqbalkeeda dambe.

Best Regards,

Eng. Edris Ismael Abdi

(Xafiiska Isku Xidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dawlad degaanka Itoobiya)

 

war10000

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here