WAR DEG DEG AH”MUDAHARAAD TAAYIRO LA GUBAY OO SAAKA HIIRTII KA BILAAMAY DEGMADA SHEEKH IYO DAD LOO XIDHXIDHAY

0
232

Sheekh(Ceelgardinews.com) Mudaharaad Taayiro Lagu Bay Wadooyinka ayaa saaka subaxnimadii hore ka bilaamay Degmada sheekh oo katirsan Gobolka Saaxil Mudaharaadkan oo ay dhigayeen dad dhalinyaro ubadan oo reer Sheekh ahi ayaa la sheegay in lagaga soo horjeeday wareejinta Dekeda Berbera ee Shirkada DP World xukumadu ka Kireysay ama maalgashiga shirkadaasi ku samayn doonto sida la sheegay.

Mudaharaadkan oo mudo kooban socday ayaa waxa waxa loo xidhay dad aan tiradooda oo saxa la haynin hase yeeshee dsad goob joogayaal ah oo aanu la xidhiidhnay sheegeen inay ku dhaw yihiin 10 ruux oo ubadan dhalinyaro Waxaana taayiradii jidadka lagu gubay bakhtiiyay Ciidamada Booliska degmada Sheekh 

Sidoo kale waxa isna Ciidamada booliska Degmada Sheekh ay Xabsiga Utaxaabeen Wariye Sidiiq Carab Saleebaan oo isagu labadii maalmood ee udanbeeyay kusugan Degmada Sheekh oo Xaaskiisu Dagantahay waxaana Wariyaha lagu xidhay kadib Markii la arkay isaga oo Sawiro Muuqaal ah ka qaadaya Mudaharaadkaas saaka kasocday Degmada Sheekh Ilaa hadana waxa uu wariyuhu kuxidhan yahay Saldhiga Dhexe Ee Degmada Sheekh 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here