War Deg Dega:Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Degmada Qoryaale Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

0
299

War Deg Dega:Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Degmada Qoryaale Oo Sababay Dhimashada 2 Ruux Iyo 10 Qof Oo Ku Dhaawacmay

Shiil Gaadh Oo Aad U Naxdin Badan Ayaa Goor Dhoweyd Ka Dhacay Degmada Qoryaale Oo Ka Tirsan Gobolka Togdheer,Gaadhigan Oo Ah Nooca Loo Yaqaan Dhaynaha Ama Laba Shidhlaha Ayaa Siday Dad Rakaab Ah Kuwaas Oo Ka Yimi Tuulada Qararo Isla Markaana U Soo Safray Magaalada Burco
Shilkan Gaadhi Ayaa Waxaa Ku Dhaawacmay 10 Qof Halka Ay Ku Dhinteen Laba Kale
Ilo Wareedyo Shebekada Wararka ee  Ka Helayso Degmada Qoryaale Ayaa Sheegaya In Dhaawaca Loo Soo Qaaday Dhankaas Iyo Magaalada Burco Si Xaaladooda Caafimaad Loo Gaadhsiiyo Cusbtaalka Guud Ee Magaalada Burco Waxana Ku Jira Dadkan Dhaawaca Ah Shan Qof Oo Xaaladooda Caafimaad Aad U Liidato
Shilalka Baabuurta Ee Sababa Dhimashada Iyo Dhaawaca Noocan Oo Kale Ah Ayaa Beryihii U Danbeeyay Ku soo Badanaayay Somaliland,Kuwaas Oo Inta Badan Loo Aaneeyo,Wado Xumida Ka Jirta Meelaha Qaar Iyo Wadayaasha Gaadiidka Oo La Sheegay Inay Intooda Badan Ay Yihiin Kuwa Qayrul Masuula Isla Markaana Baabuurta Ku Kaxeeya Xawaare Halis Gelin Kara Naftooda Iyo Kuwa Dadka Saaran,Iyaga Oo Muujiya Taxadar La,aan Badan