War Degdeg ah : Suldaan Cali Saleebaan oo Imika Xoriyadiisii Dib U heley.

0
318

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) : Suldaan Cali Saleebaan oo Imika Xoriyadiisii Dib U heley kadib markii uu mudo ku xidhnaa magaalada hargeysa .
cali salebanSuldaan Cali Saleebaan Maxamed oo 11kii maalmood ee udanbeeyay ku xidhnaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo jeelka wayn , ayaa maanta xoriyadiisii dib u heley.

Suldaanka oo xadhigiisa lagu xidhiidhiyay Shirka Beelaha Ciise Muuse uga furmi doona deegaanka Baxarasaafka ee katirsan Degmada Laasgeel (Dacarbudhuq) oo Xukumada Madaxweyne Siilanyo Sas ka qaaday cabudhin iyo caga juglayna kula kacayso cid kasta oo ay ka aragto dhaqdhaqaaq la xidhiidha shirkaas oo labadii bilood ee udanbeeyay hadal hayntiisa iyo qabanqaabadiisu socotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here