Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Agaasimihii Wasaaradaas Iskacasilay Ka Mabnuucday Inuu Masaajidada Berbera Khudbado Diiniya Ka Jeediyo

0
485

Berbera(Ceelgardinews.com .com)-Waraaq uu ku saxeexanyahay Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil Maxamed Axmed Xuseen(Ina Faraare)oo lagu socodsiiyay Masuuliyiinta Gobolka Saaxil,Degmada Berbera iyo Taliyaha Qeybta Booliska Berbera ayaa lagaga joojiyay inuu wax khudbada ka jeediyo Salaadaha Jimcayaasha iyo Wakhtiyada kaleba Masaajidada Berbera Agaasimihii Guud ee Wasaarada diinta Iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Saciid Cali oo maanta gabi ahaanba iska casilay xilkii uu Xukumada uu ka hayay iyo Xubnimadii Xisbil Xaakimka Kulmiye uu Golihiisa dhexe katirsanaa.

Agaasimaha iscasilay oo mudooyinkii udanbeeyay ku sugnaa magaalada Berbera oo aan kaba xaadirin xafiiska Wasarada islamrkaana inta Badan Salaadaha Jimcayaasha Tujin jiray khudbado diiniyana ka jeedin jiray Masjidka Khaalid Binu Waliid uu ilaa markii la dhisay khadiib ka ahaa dhismihiisana uu qeyb weyn ka qaatay ayaa gabi ahaanba waraqdaas kasoo baxday Xafiiska Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Lagu sheegay in laga mabnuucay Agaasimaha Iscasilay Sheekh Saleebaan Saciid Cali dibna aanu khudbad Jimce iyo Tujinta saaladaha toona aanu ka xaadiri doonin Masjidkaas iyo Kuwa Kale ee Berberaba.Waxaana Khadiib Salaadaha Jimcayaasha Tujiya dadka Masjidkaas loogu magacaabay Saleebaan Maxamud Ismaaciil ahaa Iimaamkii Masjidkaas Gacanta kuhyay islamarkaana uu hore ugu dhiibay Agaasimaha iscalay masjidkaas si uu Iimaam uga noqdo Salaadaha kale ee aanu Jimcuhu kujirin.

Sheekh Saleebaan Saciid Cali oo aanu weydiinay qabka lagaga joojiya inu shacabka reer Berbera salaadaha Jimcayaasha Tujiyo islamarkaana khudbada diiniga ah ee Jimcayaashana ujeediyo ayaa ku jawaabay in aanu waxba ka joojin karin shaqaale hoosaad uu isagu xukumaa islamarkaana waraaqda loo soo qooray oo Ciidamada boolisku ukeeneen sharciga baalmarsan tahay cid shaqada ka joojin kartaana ay tahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo kaliya hase yeeshee aanu Isuduwe uu isagu xukumaa khudbad Jimce masaajid iyo mid shaqo toona ka joojin karin,

Waraaqada Agaasimaha Lagaga Mabnuucay Khudbadaha Jimcayaasha ee Masjidada Berbera ayaa waxa soo gaadhsiiyay sida uu sheegay Ciidamada Booliska Berbera oo amar lagu faray waraaqdaas.

Waraaqada

Halkan Ka Akhriso Waraaqada Agaasimaha Lagaga joojiyay Khudbadaha Jimcaha iyo Tujinta Salaadaha ee Masaajidada Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here