Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo qabatay shirwayne mudo

0
82
Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo qabatay shirwayne mudo laba Cisho ah ka socon doona magaalada hargaysa, kaasi oo lagu gorfeyn doona dhamaystirka Xeerka Badaha Somaliland.
Waxaana shirkaasi,Furay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka.
Waxaana ka soo qayb galay,Daneeyaal kala duwan oo ka kala socday,Haayadaha iyo Wasaaradaha ay arintani khusayso.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane:Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) ayaa shirkaasi furay kana jeediyay khudbad dheer oo taabanaysa muhiimadda Xeerkani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan aanay yeelan doonin wasaarad Ama haayad gaar ahi,Balse loogu talo galay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland