Duqa Caasimadda Hargeysa, mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa kormeer shaqo ku booqday warshadaha ay leedahay Dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin warshadda daamurka, warshadda jayga, iyo warshadda soo saarta shubka.
Warshadda daamurka ayaa hore u jirtay, hase yeeshee golahan uu hogaaminayo Duqa Casimadda Hargaysa ayaa ku guulaystay in ay ku soo kordhiyaan laba warshadood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah warshadda jayga iyo tan shubka. Saddexdan warshadood ayaa door weyn ka qaatay horumarinta kaabayaasha magaalada, iyaga oo si toos ah uga qayb qaata dhismaha iyo dayactirka waddooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Intii uu socday kormeerka, duqa caasimaddu waxa uu si dhow ula kulmay shaqaalaha ka hawlgala warshadahan, isaga oo u kurgalay xaaladdooda shaqo iyo heerka ay marayaan hawlaha ay qabtaan. Sidoo kale, waxa uu qiimeeyay baahiyaha jira ee u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, si loo sii xoojiyo wax-soo-saarka iyo waxtarka warshadahan muhiimka u ah bulshada.
Kormeerkan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee ay Dawladda Hoose ugu jirto horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kor u qaadidda shaqo-abuurka, taas oo laf-dhabar u ah koboca iyo bilicda caasimadda.

















