Wasiir Cali Mareexaan Oo Kormeer Daawasho Ah Oo Wax Ka Qabasho Lahayn Ku Tagay Qaar Kamida Jidadka Waa Wayn Ee Roobabku Burburiyeen+Sawiro

0
342

Burco(Ceelgardinews.com)Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland mudane Cali Mareexaan iyo wafti uu hogaminayo ayaa kormeer daawasho ah oo aan wax ka qabad lahayn ku tagay qaar kamida jidadka waawayn ee roobkii mudooyinkii u danbeyeyba da’ayay ay waxyeeleeyeen.

Waxaana wasiir Cali Mareexaan uu kormeer ku tagay buundada Cabaad-wayne oo iyadu burbur laxaad leh ka muuqdo oo halis ugu jirta inay dunto sla markaana u bahan dhisme iyo dayactir.

Wasiirka Ayaan isagu waxba ka qaban burburka jidka balse kormeerkiisu uu ahaa soo booqasho waxana uu sheegay inuu wax ka qaban doono.

Wadooyinka waa wayn ee isku xidha magalooyinka iyo gobolada Somaliland ayaa qarkood burbureen isaga oo wasiirkuna aanu waxba ka qaban ilaa hada .

Dhawaan ayan idin so bandhigi doonaa hadii alle idmo burburka iyo dayactir la’aan ka muuqata wadooyinka magalooyinka iyo gobolada dalka.

1 2 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here