“Heshiiska Dekedu Wuxuu U Muuqaal Eegyahay Heshiiskii Shidaal Ee La Sheegi Jiray”. Xamarji

0
351

Berbera(Ceelgardinews.com0Mujaahid Axmed Cumar Xaji Cabdillaahi (Xamarji) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay aragtida Xisbigooda ee la xidhiidha heshiiskii Dekedda Berbera ay kala saxeexdeen Wadamada Somaliland iyo Imaraadka.

image

Mud. Xamarji oo daba socday war shalay ku soo baxay Wargayska Somalilandtoday ayaa wuxuu waraysi kooban oo uu siiyay Shabakadda Somalilandtoday.com wuxuu kaga hadlay aragta heshiiskaas. “Waxaan doonaya inaan idin yara saxo warkiini maanta [shalay] aad daabacdeen. Xisbiga WADANI marka hore waa Xisbi Qaran oo waliba doonaya inuu dhaxlo dal iyo dad dhisan oo wixii laga qaban karaayay ay ka soo qabteen Xukuumadihii talada uga horeeyay, sidoo kale wuxuu WADANI doonaya in aan dalkan la galin heshiisyo iyo daymo aanu qaadi karin. Siyaasadda Xisbiga WADANI maha kumana jirto in la diido wax dalka faa’iido u leh, wuxuuse WADANI diidana hadana diidanyahay qaabka ay Xukuumaddu u maamusho heshiisyada ay soo galaan oo ah nooc basar daran oo fool xumo ku jirto, waxaad arkayseen Saxaafadiinu, iyadoo Mareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor si gooniya uga hadlaayo heshiiskaas, oo hadana Wasiirka arrimaha debaddu Sacad Cali Shire isna qaab kale u dhigaayo, oo hadana Cali Shoonbe Wasiirka Qorshaynto meel kale ka fadkudinaayo. Mid mid la haystayna kuma jiro.”.

Ugu danbayntii Mujaahid Xamarji wuxuu is barbar dhig ku sameeyay, mashruuci Shidaal baadhista Somaliland oo caqabado ka horyimi u socon waayay iyo heshiiska dhexmaray Dawladaha Imaraadka iyo Somaliland ee maal gashiga Dekeda Berber, wuxuuna yidhi.”Sifihii sharciga ahaa lama marin, heshiiska iyo dariiqooyinka lagu asteeyayna ummadda looma soo bandhigin, wuxuu u san saan iyo muqaalba eegyahay wixii laynagu yidhi Shidaal baa laydiin soo saaraya, ee halka lagu soo galay iyo cida dilaashay iyo sharciyada la mariyay midna aan dadka loo sheegin ee halku ku danbeeyay aynu ogayn”. Sidaa ayuu hadalkiisi ku soo xidhay Axmed Cumar Xaji Cabdilalahi (Xamarji).

 

Ceelgardinews.com

Berbera Office

Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here