WASIIRKA DEEGAANKA OO SARAAKIIL CIIDAMADA KATIRSAN KU EEDAYSAY INAY QAAB REERAYSAN U DIIDEEN AWAAMIIR MADAXWEYNAHA KASOO BAXDAY

0
296

Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, ayaa shaacisay inaanay kaligeed waxba ka qaban karin dhibaatada deegaanka lagu xaalufinayo ee dalka ka jirta, waxana ay tilmaantay inaanay xukuumaddu ku wada soconin in arrintaas wax laga qabto oo ay jiraan hay’ado wiiqayaa.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo maalintii shalay golaha guurtida hortagtay, ayaa cod dheer ku sheegtay inaan cidin dheg u dhigaynin wareegtooyin ilaalinta deegaanka laga soo saaray iyo weiba sharciyo la meelmariyey, waxana iyada oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi, “dhulkan sharciyadu kasoo baxeen ee golayaasha qaranka iyo madaxweynuhuba wareegtada kasoo saareen ee aanu jirin cid dheg jalaq usiinaysaa dhibteeday leedahay, haddii aan la wada shaqayn oo aan gacmaha la isqabsanna waxba socon maayaan.”

Wasiirku iyada oo hadalkeeda sii wadata waxa ay  eedo gaar ah u jeedisay saraakiisha ciidamada Booliska oo ay sheegtay inay qaarkood qabyaalad darteed isu hortaagaan oo u dubin-daabyeeyaan tallaabooyinka ay wasaaradeedu deegaanka ku ilaalinayso,“Imika cagaf baa naloo iibiyey, waxana aanu ku talo galnay inaanu cagaftaas marino seerayaasha sharci-darrada ah, laakiin marka ka Booliska ah ee meesha joogaa uu beertii inaadeerkii u xidhnayd ee sharci-darrada ugu xidhnayd waxba kaala qaban waayo ee uu Booliskii meesha joogay kaa kaxaysto waxba kama qaban kartid” ayey tidhi marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.