Wasiirka Madaxtooyada oo xidhay Muwaadin kale oo dhaliilay maamul xumada xukumada siilaanyo.

0
355
Wasiirka Madaxtooyada oo xidhay Muwaadin kale oo dhaliilay  maamul xumada xukumada siilaanyo.
 Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi, ayaa khamistii todobaadkii hore xabsiga u taxaabay muwaadin aragtidiisa ka dhiibtay maamul xumada xukumada siilaanyo. Muwaadinka oo lagu magacaabo Engineer Saleban Siciid Cumar oo ka mid ah aqoonyahan dalka ,
ayaa fikirkiisa uu cabiray ugu xidhan muddo sadex cisho ah xarunta dambi baadhista somalilad ee Hargeysa ( C.I.D) , Waxaana la sheegay in amarka uu ku xidhan yahay uu bixiyey Wasiirka Wasaarada madaxtooyada Maxamuud Xaashi. Ehellada Ninkan xidhan oo ku booqday saldhiga uu ku xidhanyahay ayaa sheegay sheegay inuu wasiirku ka biyo diiday maqaalo hore u qoray Engineer Saleban Siciid Cumar oo ku saabsanaa arinta wareejinta dekada Berbera iyo deegaanka Degmada laasgeel .
14384094_1154564997940342_2084554966_n
Maaha markii ugu horeysay ee uu wasiirka madaxtooyadu xidho qof Muwaadin ah oo aragtidiisa ku cabiray Warbaahinta, isla markaana dhaliilay Xukuumadda ama si gaar ah u dhaliilay Isaga, waxaana jira Nin hal-abuur ah oo in muddo ah Hargeysa ku xidhan oo xadhigiisa lagu eeddeeyey Wasiir Maxamuud Xaashi oo kamid xubnaha ugu tunka weyn xukuumadda. Dhinaca kale, xadhiga Muwaadinkan cambaareeyey xubno Qoreyaal ah oo kamid ah asxaabtiisa, sida uu qoraal nagu soo gaadhsiiyey Rashid axmed ismacil (rashto)
oo ah qoraa ku dhaqan Magaalada Hargeysa. Dadka dhacdadan cambaareeyey ayaa tilmaamay in dastuurka Dalku baneeyey ra’yi dhiibashada muwaadinka, xaraan-na ay tahay in qof lagu xidho fikirkiisa. Ma jiro wax war ah oo aanu ka helnay dhinaca Wasiirka oo ku saabsan eeddeymaha lala xidhiidhiyey xadhiga xubnaha aqoonyahanka ah ee la sheegay inuu ku xidhay Maqaalo ay ku qoreen Warbaahinta. Inkasta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno Wasiirka, haddana noomay suurto gelin inaanu helno. Hase ahaatee dhacdan ayaa ku soo beegmaysa maalmo kaddib markii uu Wasiir Maxamuud Xaashi goob-fagaare ah kaga dhawaaqay inay dawladdu talaabo ka qaadayso waxa uu ugu yeedhay Qalin-duurlayaal tashuush iyo jahawareer ku haya Bulshada, isagoo hadalkaas uga jeeday qayb kamid ah Warbaahinta oo uu si toos ah u weeraray. Qore: Rashid axmed ismacil (rashto) Email: rashto550@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here