Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah oo Umadda Islaamka ku Hambalyeeyey Maalinta Ciidul Fidriga .

0
289

­Hargeysa ( Ceelgardinews.com) :- Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Cumar Shucayb Maxamed ayaa Umadda dhamaan shacabka jamhuuriyada Somaliland iyo umadda  Islaamka meel kastoy dunida daafaheeda kaga sugan yihiin ku Hambalyeeyey Maalinta Ciidul Fidriga dhambaal hambalyo ahna u direy .

Wasiirku wuxuu Alle uga baryey ummada muslimiinta ah inuu ka aqbalo acmaasha saalixaadka ah ee ay sameeyeen bishii Ramadaan kuna gaadhsiiyo teeda kale Amni iyo Iimaan .

Warsaxaafadeed uu soo saarey wasiirku oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey Ceelgardine wuxuu u dhignaa sidan :-

” waxaan dhamaan umadda islaamka ku hambalyaynayaa maalinta ciidul fidriga oo umada islaamka u ah maalin khayr badan oo ay soo soomanaayeen bil dhan cibaadana Alle dartii u wadeen , hadaba waxaan leeyahay Alle bishan bisheeda nabad wab haynagu gaadhsiiyo acmaashana haynaga aqbalo. ”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu caafimaad qab u rajeeyey inta bukta

 

Taqaballalaahu minaa waminkum saalixal acmaal

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here