Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Sheekh Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe), ayaa amar uu soo saaray waxa uu ku mamnuucay in Kawaanadda dalka lagu qalo xoolo aan gawracooda loo mairn shuruudaha sharciga islaamka u dhigaya neefka udxiyada gelaya.
Amarkan Wasiirka ayaa lagu socodsiiyey dhamaan hay’adaha islaamiga ah, iskaashada Maandeeq ee Kawaanka Hargeysa, isuduwayaasha gooblada iyo sidoo kale madaxda kale ee ay khuseyso,waxaana Wareegtada Wasiirku u dhignayd sidan.
Amar ka soo baxay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL
Ku: Dhammaan Hay’adaha Islaamiga ah.
Ku: Iskaashatada Maandeq Ee Kawaanka Hargaysa.
Ku: Isuduwayaasha Gobolada Dalka.
Og: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Og: Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Ujeeddo: Hubinta Shuruudaha Sharciga ah ee Neefka Udxiyada gelaya.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu iyada oo gudanaysa waajibaadka qaran ee ay u xilsaartay, isla markaana daraasad iyo u kuurgal ku samaysay xoolaha udxiyada la qalo ciida carrafo, waxa uga soo baxay in qaar badan oo ka mid ahi aanay waafaqsanayn shuruudaha sharciga islaamka u dhigaya neefka udxiyada gelaya.
Sidaa daraadeed waxaanu ku wargelinaynaa cid kasta oo waayeegtadan khusayso in aan la aqbali doonin xoolaha aan waafaqsanayn shuruudaha sharcigu u dhigayo in lagu qalo kawaannada dalka.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxa ay kormeer iyo u kuurgal joogto ah ku samayn doontaa goobaha lagu qalo udxiyada, iyada oo la hubin doono shuruudaha looga baahan yahay neefka udxiyada gelaya.
FG: Waxa aanu ku adkaynaynaa hay’adaha iyo shirkadaha ku hawlan hawlaha udxiyada in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo khilaafsan shuruudaha sharciga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Sh. Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe)

















