WEERAR LAGU QAADAY WARSHAD KU TAALLA ITOOBIYA OO UU LEEYAHAY NINKA UGU TAAJIRSAN AFRIKA

0
269

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dibad baxayaasha ay weerareen shirkad shamiitada sameysa. Warshaddaasi waxaa iska leh nin u dhashay dalka Nigeria oo ah ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote.

Waxaa goobta lagu gubay gawaadhi sida kuwa xamuulka qaada iyo mishiino. Waxay sidoo kale weerareen saldhig boolis, waxayna sii daayeen maxaabiis, iyagoo sidoo kale dab qabad siiyay gawaadhida dowladda.

Taageerayaasha Oromada ee gobolkaasi oo dhan ayaa dibad baxaya, waxayna ka cadheysan yihiin tobanaan qof oo Axaddii halkaasi ku dhimatay. Dadkaasi dhintay waxay ka qeyb galayeen munaasabad dhaqan oo rabshado isu badashay. Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya, waxay dhowr bilood wadaan isu soo bax ka dhan ah dowladda. Waxay ka andacoonayaan dhibaatooyiin siyaasadeed iyo faquuq dhanka dhaqaalaha ah.