Xaafada Magaalada Hargaysa Uu Ka Dego Wasiirkii Hore Wasaarada Arimaha Gudaha Laga Mudaharaaday Iyo Sababaha Mudaharaadka Halkan Ka Akhri

0
305

Dhalinyaro iyo haween ku nool xaafada new Hargeysa ee magaalada Hargeysa ayaa mudaharaad ay

dhigeen ku gubay taayiro

.mudaharad

Taayiradan ayaa lagu gubay jidka u baxa bariga isla markaana ay maraan gaadiidka xaafadaha bariga iyo galbeedka u kala socda, sidoo kalena u baxa magaalooyinka Berbera iyo Burco.

ciidamada booliska ee saldhiga New Hargeysa ayaa markiiba bakhtiiyay taayirkaasi, waxaanay kala kaxeeyeen dhalinyaradii isu soo baxday.

madaxweynaha somaliland ayaa habeen hore wareegto uu soo saaray isku bedel, xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay xukuumadiisa.

wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa loo bedelay in uu noqdo wakiilka somaliland u fadhiya adis ababa, mana cada in uu qaatay xilkaasi iyo in kale.

dadka siyaasada odorosa isla markaana la socda dhaq-dhaqaaqeeda ayaa isku raacay isla markaana isugu marag furay in uu madaxweyne siilaanyo habeen hore is jaray halbawle, maadama uu caydhiyay wasiirkiisii arrimaha Gudaha oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee indhawaale ku jiray xukuumadiisa.

Cali Maxamed Warancade ayaa intii ay somaliland jirtay soo qabtay xilal kala duwan, waxaanu la soo shaqeeyay madaxweyneyaashi soo maray dalka intooda badan, waxaanay taasi dhaxalsiisay inuu ka kasbado khibrado iyo waayo aragnimo dhaxal siisay geedi socodka shaqadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here