Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani Ismaaciil (dheeg) Badbaada Qaranku Uma Baahna Shaqaale La Bedelo Ee Hogaanka Oo La Belelay Ku Xidhantay Iyo Baarlamaanka Oo La Dareeriyo Dhamaan

0
335

Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani Ismaaciil (dheeg) Badbaada Qaranku Uma Baahna Shaqaale La Bedelo Ee Hogaanka Oo La Belelay Ku Xidhantay Iyo Baarlamaanka Oo La Dareeriyo Dhamaan waad salaamantiin marka hore umada reer Somaliland meel kasta oo aad ku nooshihiin.

Runtii waxaan maanta jeclaystay in aan ka hadlo isku shaandhayn la leeyahay madaxweynahaa sameeye. Waxaa jirta dalkan curdinka ah ee Jammhuriyadda Somalind marka loo baahan yahay si uu horumar u gaadho waxaan leeyahay waxay ku xidhantay in la helo Hogaan wanaagsan. Astaamaha guud ee ugu muhiimsan unana caansan marka laga hadlaayo Hogaamiye wanaagsan,marka lagu eego aragtida Islaamiga ah waxaa ka mida:

. 1) Waa inuu leeyahay Alle ka cabsi 2)

Waa inuu amaanada loo dhiibay sideeda u ilaalin karo(Aamin yahay)

3) Waa inuu yahay cadaali intiisa 4)

Dulqaad u tudhid 5)

Naxariis iyo u danqasho u u danqanaayo dadkiisa raaciyaadka uh Intaa aynu sida guud u iftiiminay waa inaha ugu badan loo shardiyi karo lagana doonaayo hogaamiyaha wanaagsan marka laga hadlaayo aragtida islaamigaa (Islamic vision) Hadaba waxaynu is waydiinaynaa haddii hogaamaha wanaagsani uu ataamahan leeyahay hogaamiyeheenu ma leeyahay?

Jawaab maya maadaama oo aynu arkayno In aanu hantidii u ilaalinayn umadii, uu cadaaladana ka fogyahay sida ku cad isku shaandhayntan uu sameeyey calayba. Raga ka tagay iyo raga ku soo biiray Xukumad liidata ee kulmiyana aniguu waxba Odhan maayo . waayo?

Goorta maamulada hoose ee wasiir, Taliye, Badhasaab iyo I,w,m ay hagaagayaan waa marka uu hagaago Hogaamiyuhu ee la helo hogaamiye wanaagsan. Dalka waa u ducaynayanaa in Hogaamiye wanaagsan Alle siiyo. Xubnaha Baarlamaankana waxaan leeyahay badankoodu waxay kow ka yihiin dadka qaranka hadimada ku haya ee hadana waxiisii cunaaya,

waa xildhibaano aan shaqadoodii haynin ee Mooshin Quutayaala oo Xukumadii loo baahnaa in ay ku ilaaliyaan Sharciguu ay iyagii hagayso oo sii riyaha Dhaameel u daadinayso.

Markaa waxaan leeyahay ha laga dedaalo dadyo sidii aynu labadaba isu dhaafin lahayn ee aynu u heli lahayn Gole sharci dejin oo wanaagsan iyo Hogaamiye wanaagsan ha laga ololeeyo dadyow cid kale uma maqna Qarankane Aqoonyahan Ismaaciil C/laahi Cilmi(Ismaaciil Dheeg) Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani Dheeg99@hotmail.co.uk Allaa mahad leh dhamaanteed