Xaalada Magaalada Ceerigaabo Oo Kacsan Ka Dib Markii Nin Mayd Ah Laga Helay Xabsiga Dhexe.

0
348

Ceerigaabo(Ceelgardinews.com):-Xaalada Magaalada Ceerigaabo ayaa kacsan ka dib markii nin maxbuus ah maydkiisa laga helay xabsiga dhexe ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maxbuuskan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Weerar uu xabsiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo kula xidhnaa odayaal ay is xigaan uu mudaba ku xanuusanayey gudaha xabsiga, waxaanay wararku sheegayaan inay xukuumadu ka hor istaagtay in loo qaado cusbitaal ama lagu daweeyo gudaha xabsiga.

Sida uu sheegayo wariyaha Hadhwanaagnews ee magaalada Ceerigaabo Cabdiraxmaan Axmed Elsar ehelada marxuunka ayaa masuuliyiinta xukuumada ee gobolka Sanaag ku war geliyey inay aasaan maydka, iyaga oo ku eedeeyey inay markii hore ka hor istaageen in adeeg caafimaad loo fuliyo maxbuuskan geeriyooday.

Dhinaca kale  masuuliyiinta xukuumada ayaa ku doodaya inaanay aasayn maydka maxbuuska, waxaanay ehelada marxuunka u soo jeediyeen inay aasaan maydka maxbuuska geeriyooday, arintaas oo keentay inay xaalada magaalada Ceerigaabo kacdo isla markaana ehelada marxuunka gadood  balaadhan ka muujiyaan talaabada ay xukuumadu qaaday.

Wararka kale ee laga helayo xabsiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya inay ku xidhan yihiin maxaabiis kale oo odoyaal u badan kuwaas oo xaalad caafimaad la daris ah.

Ceelgardinews.com

Xafiiska Wararka Ee Berbera
Somalialnd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here