Madaxwaynaha Somaliya Oo Sheegay In Dalkiisu Ku Jiro Xaalado Ka Daran Macaanka –

0
373

Muqdisho(Ceelgardinews.com)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Somalia, ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshadu ay u baahan tahay oo uu caafimaadku ugu horreeyo.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan sheegay maalinta Caafimaadka Adduunka oo 07-da Abiril ku aaddan, iyadoo warbixin ay shalay soo saartay hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO ku sheegtay khatarta Cudurka Macaanka ama Sokorowga, kaasoo Caalamka si aad ah ugu soo kordhayay sannadihii dambe.

Hay’adda WHO ayaa xustay in tirada dadka qaba xanuunkan sannadkii 2014 lagu qiyaasay inay gaarayeen illaa 422-Milyan oo ruux, taasoo Afar jibbaar ka badan qiyaasihii sannadkii 1980-kii oo ahayd 100-Milyan oo qof oo keliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in xanuunka Macaanka ama sokorta ka sokow ay Soomaaliya ka jiraan xaalado caafimaad oo daran oo dowladda FS iyo hay’adaha kale ee Caalamiga ah ay xoogga saarayaan sidii wax looga qaban lahaa.

“Si dal uu horumar u gaaro, waxaa muhiim ah in la helo bulsho Caafimaad qabta. Waxaana xoogga saaraynaa Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ka hor-tagga cudurada khatarta ku ah bulshadeena. Wasaaradda Caafimaadka Somalia, laamaha Dowladda iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, waxay ka wada-shaqeynayaan sidii dib si buuxda loogu soo nooleyn lahaa adeegyadii caafimaad ee dalka,”

Ceelgardinews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here