XAYIRAAD AY XUKUUMADDU SAARTAY BAABUURRO AY SHIRKADDA TOYOTA MARRIL KASOO DEJISAY BERBERA

0
292

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xukumada Somaliland ayaa Dekedda Berbera ku xayirtay 12 baabuur oo ay shirkadda TOYOTA Marill ay si sharci daro ah dalka u keentay. Baabuurtan oo ka kooban 10 Landcuiser Hardtop iyo labba Hilux pick up ayaa Xayiradani ka danbiysay ka dib markii Maxkamada Jamhuuriyadda Somaliland  ka soosaartay Amar Maxkamadeed oo dhigayey in la Xayiro isla markana baabuurtasi lagu hayo Dekeda Berbera madama aanay Haysan Wakiilnimada soo dajinta Baabuurta TOYOTA MARILL.

toyota-marill-somaliland

 

Shirkada Toyota Hargeysa ayaa Xukumada Somaliland Rusqad u siisay keenista Baabuurta Shirkada Caalamiga ee Toyata, isla markana aanay  Shirkad kale dalka keeni Karin Nooca baabuurtasi. Dhinaca kale waxa Gabi ahaanba Shirkada Caalamiga ah ee TOYOTA  ku taala Dalka JAPAN ay kala noqotay Wakiilnimadii uu ku keeni jiray Baabuurta Shirkada Toyota Marill Somaliland iyo Somaliya.