Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye Ee Golaha Wakiilada Oo Fadhigii Maanta Ka Dareeray, Dooda Ay Qabaan Iyo Jawaabta Xildhibaanada Mucaaridka Ah –

0
337

Hargeysa(Ceelgardinews.com):-Fadhi ay maanta mudanayaasha golaha wakiilada somaliland doonayeen  inay ku ansixiyeen wax ka bedal iyo kaabis lagu sameeyey xeerka diwaan gelinta codbixiyayaasha somaliland ayaa hakad galay.

Madaxweynaha somaliland ayaa hore mudanayaasha golaha wakiilada somaliland uga dalbaday inay ansixiyeen wax ka badalka iyo kaabista xeerka diwaan gelinta codbixiyayaasha, balse ansixinta xeerkaas ayuu hakad ku yimid ka dib markii mudanayaasha muxaafidka ah ee xisbiga Kulmiye ka dareereen fadhiga  kuwaas oo ku dooday inaan hore loogu sii sheegin in la ansixinayo wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkan.

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudanayaasha muxaafidka ah ayaa faah
faahin ka bixiyey sababta ay uga baxeen fadhigii maanta ee golaha waxaanu yidhi “ Qodobkan madaxweynuhu keenay ee lixda bilood gudahood, bulshadu way haysaa taariikhdiisa waa qodobkii aanu ku haysanay qolada waddani iyo gudoomiyaha golaha ee barigii muranka weyn dhaliyey markaa qodob xasaasiya inuu yahay waa la dareensan yahay, anaguna gole ayaanu nahay go,aankana  aqlabiyad ayaanu ku qaadanaa, maalintii la keenayna golaha 60 mudane ayaa soo xaadiray iyaga oo doonaya in go,aan laga gaadho, gudoomiyaha ayaana dib u dhigay sadex wiig ka horna way ahayd, kolba safar ayaanu tagayey marna wuu imanayey maalintaasna diyaar ayaanu ahay.

Xildhibaan Bukhaari oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan lagu war gelin codaynta wax ka badalka xeerkan waxanu yidhi “Mida labaad marka loo codaynayo xeer ama qodob digreeto ah loo codaynayo dhaqanka golaha iyo xeer hoosaadka goluhu waxa uu sheegayaa in la yidhaahdo  hawl maalmeedka bari la qabanayo la sheego oo la yidhaahdaa xeerkaas ayaa loo codaynayo ama xeerkaas ayaa laga doodayaa,  anagu maanaan hayn warkaas in maanta loo codaynayo qodobkaas iyo mid kale, waxaanan leenahay xeer hoosaadka hala waafajiyo  diyaar ayaanu u nahay inaanu codayno,  dareena anaga wuu nagu jiraa oo shaygu markii uu ku haboonaa in laga soo hor mariyo shaki ayuu leeyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

Dhinaca kale xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha mucaaridka ah ayaa ka hadlay falka ay ku kaceen xildhibaanada muxaafidka ahi, waxaanu fariin u diray shacabka somaliland, waxaanu yidhi “Maanta golahayagii ceeb ayaa ka dhacday, waa tii diwaan gelinta la hakiyey, madaxweynuhu wax ka badal ayuu noo qoray uu leeyahay maadaama ay sidaasi dhacday mudadii lixda bilood ahayd ka hor waxaanu kuu  soo jeedinaynaa inay lix bilood gudahood tahay, mudo ku dhaw sadex bilood ayey soo jeedintaasi na  hor taalay, nimankii Kulmiye oo konton ku dhaw maanta way ka baxeen golihii, codaynta ayaa la diidayaa, waxa la diidayaa in la ansixiyo soo jeedinta madaxweynaha, waxa la diidayaa in diwaan gelintii dib loo bilaabo, waxa la diidayaa in doorashadii dhacdo, waxa la doonayaa 12 sanadood ayaa la fadhiyee in 10 sano oo kale  la fadhiyo, waxaanu shacabkayaga u sheegaynaa in xildhibaanadii xisbiga Kulmiye malaha waxay ka lad haystaan madaxweynaha oo warqada soo qoraye, waxay hor joogsadeen in la ansixiyo soo jeedintii madaxweynaha, waxaanan leenahay shacabka golihii aad soo doorateen waxay noqdeen danaystayaal oo dantooda ka fikira, haday bari iman waayaan shacabka waxaanu leenahay waa in 5000 qof soo jeediyaan in golahan la kala diro, sifaha sharciga ah ee lagu kala diri karaana waa sidaas.” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Ceelgardinews.com

Berbera Somalialnd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here