Abwaan Cabdi-qays Oo Markii Ugu Horaysay Ka Sheekeeyay Hoggaaminta Madaxwayne Siilaanyo Iyo Xusuuso Ay Isla Soo Mareen Muuse Biixi.

0
323

Berbera(Ceelgardinews.com)Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabd-Qeys) oo kamid ah rukummada Foollaadka u ah fanka bulshada Soomaalida ayaa markii u horeysay laga waraystay arrimo la xidhiidha dareenkiisa ku wajahan dib ula soo noqoshada madax banaannida dalkan Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida uu u arko hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in uu ku bogaadinayo madaxtinimadiisa.

nnnn

Sidoo kale Abwaan Cabdi Qays waxaa uu ka hadlay taariikh xusuus leh oo ay dhallaannimadiisii isla soo mareen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna musharraxa madaxweynaha xisbiga talada haya uga qayb galaya doorashooyinka. Abwaan Cabdi Aadan Xaad oo magaallada Hargeysa uu  Khamiistii  dorraad Xog-waran kooban oo xiiso huwan kula yeeshay Weriye Aadan Cabdi Ciidle waxaa uu si sarka xaadis ah uga warramay taariikhda dhalashadiisii iyo weliba sidi uu kula baxay naanaystiisa uu ku caan baxay ee Qays. Waxaana sheeko xiiso leh oo dhex martay weriyaha iyo abwaanku uu marka hore kaga warramay sooyaalkiisii  “Meesha Xagal la yidhaahdo ee deegaanka Xaraf shishadeeda ku taalla ayaan ku dhashay anigu, waqtigaas taariikhda lama qori jirine waxa ay qiyaastii ahayd 1945-46kii”.

Sidaas ayuu ku bilaabay  Abwaan Cabdi Qays, waxana uu intaas ka dib uu ka hadlay fankiisa iyo sida uu ku bilaabay “Fanka waxaan kasoo bilaabay Jabuuti, waxaana Hargeysa aanu ka tagnay aniga iyo nin Maxamed Ayax la yidhaa iyadoo  riwaayadii aan ku bilaabayna  uu lahaa Qarbooshe [abwaan Cabdillaahi Aadan Xaad oo ah Cabdi Qays walaalkii], waxaana riwaayadaas aanu dhignay la odhan jiray QEYS iyo LEYLA, sidaasi ayaanan magaca anigu kula baxay, Cabdillaahina [Abwaanka riwaayada allifay] waxaa uu ku matalayay Qarbooshe, kaasi oo isna uu sidaasi kula baxay magaca,  Wixii dambena anigaa riyaawado badan sameeyey.” Ayuu yidhi.  Mar uu Abwaan Cabdi-Qeys ka jawaabayay dareenkiisa ku wajahan midhaha halgankii dheeraa ee loo soo maray dib u hanashada madax banaannida Somaliland  oo uu shakhsiyan kamid ahaa dadkii dhibaatada cadaadiskii taliskii Afweyne ku hayay umadda reer Somaliland ay saamaysay, waxaa uu sheegay in uu kunaalloonayo isla markaana Illaahay ugu xamdi naqayo in uu xorriyad ku dhex haysto dalkiisa oo xilliyada qaar dhibaato adag uu kala kulmi jiray.

“waan ku qanacsanahay inaanan Hargeysa oo aan cidi haysanin maanta joogo oo xor ah xorriyaddaasaan ku oggolahay oo ku raacsanahay”. Geesta kale waxaa uu Cabdi Aadan Xaad si kooban uga hadlay hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo iyo in ay wax xidhiidh ah ama  uu la kulmay intii uu Axmed Siilaanyo madaxweynaha ahaa “Madaxweyne Siilaanyo-na waanu kullanay intii uu madaxweynaha ahaa, waana madaxweyne wanaagsanoo waxaanan doonayaa inuu xukunka hayo, haddii EEBE ugu celinayona ugu celiyo, wuuse ka degayaa hadda.”

Cabdi-Qeys, sidoo kale waxaa uu shucuur farxadi kuladhan tahay kaga sheekeeyeeyey dhacdo soo wada martay isaga iyo Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse biixi Cabdi oo uu sheegay in ay dhallaannimadoodii soo wada kacaameen wallow in uu Cabdi Ahaan ka madax fiiqnaa tilmaamay “Muuse Biixi isagoo dhallinyaro ah waxoogaana  iga yar markaas ayaan funaannad aan lahaa u iibiyey si ay isaga iyo kuwo kale  hudheel Lawyacaddo  ku yaallay wax ugaga cunaan….. dee immikana malaha madaxweynuu noqonayaaye halkiisa u daaya. Ummadana waxaan uggu ducaynaynaa Inay dawlad wanaagsan noqdaana oo ay sidaad ku ahaadaan ayaan ug uduceeyey ee Illaahay sida wanaagsan ha waafajiyo”. Ayuu yidhi. Gebogabadii waraysigan haasaawaha ah waxaa uu Abwaanku si kooban ugaga jawaabay halka ay haatan kala marayaan dariiqadii Suufiyadda oo uu caan ku ahaa suugaan badan oo la xidhiidhana uu curiyey “baddii suufiyadda weli waan ku jiraa, kamana baxayo ilaa intay…… Hargeysina waxa ay noqonaysaa halka uu Mahdigu ka soo baxayo haddii alla yidhaa, waanan sugayaa weli” ayuu yidhi.

Ceelgardinews.com

Berbera Somalialnd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here