Xoghaye ku xigeenka Dhalinyarada Iyo ciyaaraha Xisbiga Ee WADDANI Yoonis Axmed Yoonis Oo Si Adag Uga jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay W/ciyaaraha – yoonis-Oo-Si-Adag-Uga-jawaabay-Hadal-Ka-Soo-Yeedhay-W-ciyaaraha

0
302

Hargeysa(Ceelgardinews.com )Xoghayaha ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa maanta si adag u canbaareeyay shir jaraa’id oo ay shalay qabatay wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha kaas oo ay ku hor istaageen dhalinyardii ka qayb galilahayd tartan caalimiya oo loo qabto dawladaha aan wali la ictiraafin oo lagu soo casuumay somliland kaas oo ka dhicidoona dalka ruushka dabayaaqada bishan tartankan waxaa soo qaban qaabiyay aqoonyahan iyo qurbe joog reer somaliland ah oo halgan ugu jira sidii somaliland loo ictiraafi lahaa somaliland waxaaana uu hadalkiisa ku bilaabay Xoghayaha ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Yoonis Axmed Yoonis sidan

 ’waxaa maanta ayaandaro wayn ah in wasaaradii loo xilsaaray jihaynta dhalinyarada iyo ciyaaraha inay hor istaagto tartamo caalamiya oo ay somaliland ka qayb galilahayd markay wasaaradii loo xilsaaray ku fashilantay tartanadii dalka gudihiisa sida koobkii gobolada kii dagmooyinka ama heerarka 1aad iyo 2aad oo aan in mudo ah la qaban dhalinyardiina ka niyad jabtay ciyaarihii una jeesteen TAHRIIB iyo balwado kale waxaan hadaba madaxwaynaha ugu baaqayna anagoo qadarin iyo cushmad u hayna in uu wasaaradaa fadhiidka noqotay ee tahliwayday inay qabato tartamo heerkay doonaanba ha noqdaane ee waliba hor istaagtay tartamadii ay aqoonyahan ka reer somaliland soo qaban-qaabiyeen’ in lakala diro cida ka masuulka wasaaradaasi faashilka noqotay ‘ tarkankaasina wuu dhacayaa ee waxay hor istaagtay dhalintii ka qayb-galilahayd ee matalilahayd qarakan somaliland waxanay sharafdaro ku tahay qarankan iyo umada somaliland in wasaaradii loo xilsaaray wax qabadka dhalinyarada ay iyadii hor istaagto taranadii sida muwaadinnimda leh u soo qaban qaabiyeen dadkaa reer somaliland’’

Waxaa kale oo xoghaye ku xigeenku intaasi raaciyay in cidda ka masuulka ah wasaaradaasi ay tahay cid aan aqoonteedii lahayn oo siday doonto ugu tagrifalaysa awoodii wasaraadaasi iyagoon uga faa’iidaynayn xagii wanaagsanayd ee jihaynta dhalinta mudo ku siman 2 sano ahna aan wax tartani ka dhicin dalka hadaba hadii aanuu madaxwaynuhu hoos u eegin wasaaradaasi dhalinyarada iyo ciyaaraha in dhalintu ay sidaasi baddaha ugu haligmayaan ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii