Gabay Muuse Biixi ku socda!! Oo Ka Hadlaaya Caydii Berbera Uu Caayaya

0
370

Sweden (Mandheeranews.com) Gabaygan waxaa Tirisaya Nin Dhalinyaro oo ku nool wadanka Sweden Magaalaga Malma Laguna Magacaabo Suleekha Hamuud Maxamed  kana Tirsan Qurjooga Gobolka Saaxil ee Wadankaas ku Nool iyadoo aad uga Daqmataya Cayda uu muuse Biixi cayaya Reer Saaxil oo ay Noqotaya mid ay Layaabeen shacabka Reer Somalialnd ee Dunida Daafaheed ku nool Waxaan Ka mid Gabaygaas Ereyadiisa sida Hoose ku Qoran

Gabay Muuse Biixi ku socda!!

Muusow carqaladaad waddiyo caytan hadalkaaga
Cambaaraynta reer saaxil iyo culimadaad maagtay
Caruuraad disheen iyo warkaa dunida caam yeelay
Caddaynteedii baan kaa rabnaa ceeb ninlaa geya eh

Ilaa Ceerigaabiyo Burciyo cidhifyadii Awdal
Aflagaaddo caan inaad ku tahay cidi ma moogeyne
Ciidagale midhkaad shalay tidhaan cidi hilmaamayne
Waxse lala cajabay waa midhkaa caawa kaa baxaye
Markii aad colaad muujiseed cayda nagu shiishtay
Colaad qaate reer Saaxilkii ciidan kuu xigaye

Caruur iyo ciroolaba hadday cawda kuu jariye
Cirro iyo Jamaal bay u tumi caawa dabadeede
Codna hayga filin waadigaa cunay rarkaagiiye
Cidla iyo aduun baa is mudan cigasho beenloowe

By: Suleekha H. Mohamed

Sweden malmä